Qaybtii 4aad: Safarkii Mahadhada Lahaa
Sidii wiil Sucuudiga qabtiyo Suuqa Faransiiska
Oo saxiibadiisii wacnaa sabano moogaaday
Oo se saacaday qaar kulmaan samo qushuucaaya
Inan yahay sideedaa Qalbigu saafi kuu yahaye
Salaan Naga guddoon bookhashaan lagu saluugayne?
Sidii Geeyo uguboo nin lihi midab Sibaaqaayo
Oo Sayn gargoortiyo timaha garabka loo seexshay
Oo waa Sukhroo xaadiree Sagal Haldhaa moodo
Adigana sideeduu Qalbiggu saafi kuu yahaye
Salaan naga Gudoon Bookhashaan lagu Saluugayne?
Seenyada Riyaa iyo Lo’diyo Sabar saroow Geela
Idaha sararta weynleh iyo Ratiga Saadka lagu qaato
Saldhiga iyo raashka iyo kumaan sabada reerkaagu
Samo iyo Wanaag kala helloo haysa seegina?
Ereyadani ayaa ahaa kuwo jidmara oo aanu intii jidka aanu ku jirnay aanu isku dhaafinaynay taraaga iyo socdaalka dheer ee aanu ku jirno si aanaanu u dareemin , marna waxa ay noo ahaayeen labadayada dareen xusuuseen ama humaagii iyo bilicdii deegaanka aanu kasii anbo baxaynay oo aad noo soo jiitay.
Laba Caana maal kadib ayaan dib usoo baray jidkii waxaana aan la kulanay Inantii Milxiisada ahayd oo inay tuuladii Maqaaxi ka furatay la guursaday, Markii aanu soo istaagnay Tuuladii oo ahayd meel xiiso gaara lahayd waxaanu judhii aanu soo istaagnayba indhaha saarnay Inantii Qaaliga ku ahayd Saaxiibkay iyo anigaba,
Waxaanu ku war helnay inantii oo la guursaday isla markaana uu guurswaday nin Sare, hase yeeshee madawga. diifta, diihaalka iyo dacaska ka muudo aanaad odhanayn waa inantii ama Gabadh nin sare qabo,
Waxase naxdin leh in isla intii aanu ka maqnayn la furay oo noqonaysa laba maalmood gudahood, Ajaba Rabi, Inantu hada waa carmar laakin hadana niyadjabka ku dhacay dartood noqotay qof da’a,
Lasocoo Inantu waxay ahayd inan qurux leh 20 jir ah oo bala Caano maal la qabay. waa hubaal oo waxa laga furay dabar ay ku taamaysay in mar uun laga furo laakiin iyadu waxa ay jeclayd in hab Diblumaasi looga furro oo ay nolosheeda la wadaagto nin aan waligeed furin oo cadawga ka ilaaliya una heelan, had iyo jeerna garabkeeda taagan, taasina ma dhicin. Hadaba akhriste Dhaliil maleeyahay ninka Guursaday inantaasi ee hada laba cisho gudahood ku furay.
Sheekani oo aynu intaasi ku joojin doono waxaan rajaynayaa inaan sida uugu dhakhsaha badan u bilaabi doono sheeko kale oo ku salaysay ujeedada dhabta ah ee sheekadani hada dhamaatay.
Dhamaad.
Jamal Abdi Muhumed