Qof aan nabad hayn nabad haka doonin, By: Maxamuud cismaan ( Moholin )
Qof aan nabad hayn nabad haka doonin
.
waxa aan salaamayaa bahda oodweyne
iyo akhris tayaasha
maanta suugaan matirinayo laakiin
hadal kii oo balbalaadhan
ayaan idiin dhiiba yaa
..
Waxa aan aad ula yaabay aniga oo daawanaya
Talafishan ka qaranka ayaa waxa hadlaaya
Wasiiradii dawladda waxa ku xiga madax dhaqameed yadii
Waxa ku xiga dadweynihii oo mikrifoon lala dhex qaadayo
Intuba waxa ay ka hadlayaan in nabad gelyadu tahay
Waxay soomaalilaan ku caana maashay
.
Yaynaan iska burburinin mar qudha ismay weydiin
Yaa looga baqayaa inay dumiso
Ma shacab kaa ma xukuumaddaa
Suaashaasi waata uu yaalo furaha nabaddu
.
Nabadda waxa haya qof kasta oo masuula
Oo xilka loo dhiibay caddaalad ku maamula
Waxa haya ka marka uu khalad galo qirta
Inuu khalad galay oo raali gelin ka bixiya
.
Waxa haya ka isku kalsoon waxa haya
Ka aan xigtaysi dheeraada aqoon
Labadan qof ee suuqa isku haysta
Yaa isku diray waxa isku diray kii
Aan caddaalad wax uguqaybin
Waayo waxa laga yaabaa in isagu
Ku yimi caddaalad darro
Ka xanaaqsan ee masuulka ah kuna dhawaaqaya
Nabdda aan ilaashanno haddaad wey diiso
Yaa ilaalina ya kuu jawaabi karimaayo
Sabab too ah jawaabti isaga madhaafayso
.
Haddii aan wax laxumayn nabaddu
Iskeed uma xumaato
Nabadda caddaalad baa haysa
Caddaaladdana qofkasta oo masuula baa haya
.
Taa macna heedu waxa weeye nabaddu
Suuqa aa lahadlaysaan mataalo
Waxa ay taa laa xafiis yada wax laga maamulo
Nabadu waxay taalaa ka askariga qoriga usoo
Dhiiba yaa marka uu usheego cidda uu ku dilayo
.
Waxa ay taalaa marka askarigu caqligiisa
Isticmaalo haddaanu caqli lahaynna waa
Inaanu noqnba askari shacab kana lagu soo deyn
Waxa ay isugu soo shubatay nabadi waa caddaalad
Ee kan doonayaw adigu caadil ma tahay
Markay haa tahay waad haysaa nabaddii
( ALLAHAYAW ) nagaran sii inaanu noqonno
Dad caddaaladda ku dhaqma aa miin
Maxamuud cismaan ( Moholin )
—————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
