QUULE QUUDHSIGII DIID By: Mataan Maxamuud Cumar
Waxaa layaab leh in marka uu habaansado Libaaxa Somaliland waxay u didaan inta baqdinta ka qabta ka muuqashada masasraxyada ama fagaarayaasha siyaasada uu hadal uga jeediyo shacabka Somaliland.
Hadab maqaalkani wuxuu daaranyahay ama uu jawaab u yahay ninka yidhi Siilaanyo waa kuma? Siilaanyo ninkuu yahay si qaldan ayaad u qortay ee aan ku saxo waxaad maankaaga gelisay nin aanu ahayn oo malo awaal ah sheekhow siday shacabka Soamliland u yaqaanaan ee dhabta ahi waxa weeyaan sidan;
Siilaanyo waa hogaamiyihii ugu cimriga dheerraa hogaanka siyaasada ee Ururkii SNM. Hase yeeshee cimri dhererka wuxuu kaga daray taariikh xumaanta.Waxaa looga bartay furfurka Beelaha walaalaha ah iyo isku dhafashadood oo uu caado u leeyahay kun raaxaysto isagoo u haysta siyaasada wanaag, dib u raac raadka sooyaalka SNM iyo wuxuu ahaa.
Siilaanyo waa nin aan ka hadhin ninka siyaasada ay isku qabtaan waa in jecel aargoosiga, waa nin cadho caqab daa’in abidkii.
Hadaan sangaabta kaaga soo qabto sannadkan inta Mj ee uu u ciil qabay miciyahiisa dhiiga lehn uu daray;
1.MJ Maxamed Xashi oo ahaa ragii dhidibada u taagay SNM ama ku dhawaaqay
2.MJ C/raxmaan Cabdiqaadir oo gurigiisa lagaga dhawaaqay SNM
3.MJ Abiib Timacad
4. MJ Boobe Yusuf Ducale (magacaabistaydii iyo xilka qaadistaydii)
5. MJ Xasan Ciise Jaamac hal yayadii ku dhawaaqay SNM
6.MJ Xamarji Xabsigii xaaraanta ahaa ee lagu ceebeeyay
7.MJ Dr.Gaboose oo aynu maanta aragno waxa lagula kacay
8. Boqor Cusmaan (Buur-madow)
9.MJ Cabdiraxmaan Aw Cali (Laba-Tole)
10.MJ Ibraahim Dhegaweyne
Waa ragii uu bahalka hoose qaniinay
Jamaalow Dr.Gaboose sharci iyo xeer ayay wada galeen Siilaanyo kursiga i saar anigun xisbiga ayaan kuu furayaa waxa raga isku ogyahay ma xuma runtii wuu fuliya Siilaanyo kursigii ,adiguse waxad u argtaa waxtar loo galay DR Gaboose.
Marxaladaha tlaabo talaabo ul soco. Waxaynu la wada socnaa qaylo dhaanta dalkeenii ka taagan maanta dhamaan beelaha Somaliland cabshada ka soo yeedhaysa ee aanu dheg jalaq u siin madaxweynuhu kum koobna Dr Gaboose ee taas ogow haweenka dhalinyarada iyo cuqaasha baaqayada sii jeedinya dhegahaagu ha maqaleen tan Dr, Gaboose ayaad ka damqatay malaha.
Taariikh xumaanta uu la galbaday Siilaanyo ee buug sooyaalka loogu dhegay ka damqo.Waa laga helay doorshadii hore 80 cod ayuu ku waayay sidaad sheegtay laakiin waxaa u quusgooyay nin aanu gedo, siyaasada, iyo aqoon la sinayn waa Daahir Riyaalle
Siilaayo wuxuu ku ololeeyay waa Mj tola’ay isaaqow waad i gumayseen magac ISAAQ miyaanu ahayn kii aynu ku jebinay dowladii Afrika ugu xooga weyned ee Siyaad Barre,miyay tahay in hoos loo dhigo oo reer keliya ama Beesha Gadabuursi aynu isku ISAAQSANO waa magac xumada iyo Taariikh xumida uu Siilaayo geystay
Aaan kuu soo koobo hadalka ee ila Akhrista heestan; waa Eraydii Abwaan Hadwaari, codkii Ilaahay h au nasariistee Muuse Ismaciil Qalinle
Hal la qayal;
Hal la qalay raqdeedaa
Lagu soo qamaamoo
Qalaalaasihii baa
Nin ba qurub haleeloo
Laba waliba qaybteed
Qoraxday ku dubatoo
Qoloftiyo laftiibaa
Lagu liqay qalalykee
Qosol wuxuu ka joogaa
Qubannaa dambeeyee
Weli qaba hamuumtee
Buuraha qotada dheer
Ka arkaaya qiiqee
Qarka soo jafaayee
Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedii
Qarandidu Libaaxay
Ku qadhaabtaayoo
Soo qabo tidhaahdaa
Qaankiyo biciidkoo
Qaybtana shanlabay
Qoondeysataayoo
Isagnaa qorshaha guud
Qanjidhkiyo xumaystay
Ha qawadeni tidhaahdaa
Hadba qaran jabkiisiyo
Qiirada xasuustuu
Kolba dibin qaniinaa
Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qabyo waa halkeedii
Weligay cad quudheed
Anna qaadan maayoo
Qalanjadan faraa dheer
Wax la qaybsan maayee
Bal inay qabuuruhu
Saddex-qayd ka maarmaan
Ama qoor-tal jeexaan
Lbadaas mid quudhaan
Xilka qaawan saaraan
Hadba qaylo-doon baa
Ka horow qiyaamaha
Ku qulaaminn maydkee
Aan qoofalaadee
Qarqarsiga ha iga furin.
Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigay
Faras qaayihiisii
Qurx buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedi.
Mataan Maxamuud Cumar
Af- hayeenka Ururka Umadda
Sheffield
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
