Rabshado ka dhacay Caawa Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa (OWN)- Magaalada Hargeysa ayaa caawa wax ka dhacay rabshado ka dhashay Ku Dhawaaqida Natiijada Golaha deeganka oo inbadan la sugayey, rabshadahan ayaa waxa ay ka bilaamay degmada Axmed Dhagax xafadaheeda kala duwan, iyada Boqolaal ciidamada booliska ah ay ka hortageen rabashadahaasi si aanay ugu fidan magalada hargeysa , Dadkan ayaa ka Gadood san Natiijada lagu dhawaaqay Caawa.
Rabshadahan caawa ka dhacday xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa istaagtay kadib markii ay Ciidamadda Booliisku Rasaas ku kala dareeriyeen dadkii goobtaas joogay, iyadoo ay Rabshadaha xaafadaas ka dhacay oo ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor sameeyeen isla markaana uu socdeen in muddo ah, khasaaraha rasmiga ah ay Rabshadahaasi sameeyeen lama oga ilaa hadda , hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay Dhimasho iyo Dhaawacyaba jiraan.
Waxa kale oo xaafadaha kale ee Hargeysa qaarkood ka socday dabaal degyo ay Xildhibaanada ku soo baxay Liiska Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayaan qaar ka mid ah jidadka.
Oodweytnenews.com/Hargeysa

