Rafaadkii mudada qaatay iyo Raaxadii ka danbaysay, By: Muuse Xasaasi.
Dalkani waxa uu dhacaa geeska afrika waa dal curdin ah isla markaana ay ka jirto na bad,xasilooni iyo kala danbayn buuxda, waxaana si weyn uga hanaqaaday Dumuquraadiyada wax aana uu xoriyadiisa qaatay 1960 kadib markii ay halgan dheer u galleen badbaadin mustaqbalka dadka iyo dalkaba oo ay kaga dhinteen halyeeyo maanta taariikhda dalka kaga jira baal dahab ah waxayna afar cisho kadib xornimadii la midoobeen wadan ay deris haatan yihiin .
Midowgaas oo ahaa mid aan laga fiirsan ayaa waxa uu dhaxalsiiyey dulmi rafaad xasuuq iyo dhibaatooyin kale oo aan lasoo koobi Karin waxaana uu dalkani markale galay halgan mudo dheer qaatay iyo dib u xorayn kaasi oo ay la galeen dawladii macangaga ahayd ee Siyaad Barre oo samaysay xadgudubyadii ugu la yaabka badnaa ee dawladi u geysato shacbigeeda tusaale ahaan ma dhicin horena loo maqal lama arag diyaarad magaaladii ay ka duushay oo dad rayid ahi ku nool yahay dib u duqaysa!
Waxa ay ahayd sannadkii ugu darnaa ee xasuuqa shacabka dalkani 1988 xiligaas oo ay dhacday xadgudubyadaan soo xusnay oo ka dhacay guud ahaanba Magaalooyinka waa weyn ee wadankani
Dagaal iyo dhiig badan oo daatay kadib waxaa markale mandiqadani lasoo noqotay xoriyadeedii sannadii 1991 waxaana ay jabhadii guusha soo haysay talladii faraha ka saartay rayidka iyadoo la isku raacay in laga madaxbananaado gobolkii ay hore ula midoobeen lana qaato nidaam ku dhisan caddaalad sinaan kala danbayn iyo qaynuun aan lahayn sifihii kelitalisno waxaana la isla gartay in ay jabhadu si ku meelgaadh ah usii hayso xilka waxay sidaa ku socotaba waxaa dalkani markale dib u galay dagaalo sokeeye oo salka ku haya qabiil iyo kursi jacayl taasi oo sababtay in markale beelaha dega mandiqadani ay isu yimaadaan kana tashadaan masiirka umada iyo dalkaba waxaana shirkaasi markale si kumeel gaadh ah loogu doortay madaxweyne labaad oo aan ka mid ahaan jirin jabhadii dalka xoraysay
Waxaana uu madaxweynahaasi dhisay dhamaan laamihii dawladeed iyo haayadaheedii sidoo kale waxa uu suura geliyey lacag geyigani yeesho iyo kor u qaadida kobaca dhaqaale waxbarasho iyo caafimaad waxyaabaha kale ee lagu xasuusto madaxweynahan waxaa ka mid ahaa hirgelintii u codayntii dastuur uu yeesho dalkani sannadii 2001 isagoo wali aanay ka dhamaan xiligii madaxtinimadiisa ayaa uu geeriyooday waxaana tallada gacanta ku dhigay ku xigeenkiisa oo noqday madax weynihii saddexaad dalkan isagoo labo sanno oo keliya ka dibna qabtay doorashada madaxtooya da maadaama uu ku meel gaadh ahaa markii hore waxaana uu ku guulaysta markale madaxtinimada oo uu ku helay cod aad u yar oo dhamaa 80 cod oo kaliya waxaana uu noqday madaxweynihii u horeeyay ee shacabku soo doortay iyoo asxaabtii kula tartamaysayna ay aqbaleen natiijadii codbixinta waxaa kale oo dalkani ka qabsoomay doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka oo hab xor iyo xalaal ah u dhacay
Intii uu hayey Madaxweynihii u horeeyey ee lasoo dortay waxa uu dalku gaadhay horumar dhinac yo badan leh sida taabo gelinta dumuquraadiyada oo si dhab ah u dhaqan gashay suggida xuduud aha dalka kor u qaadida waxbarashada iyo caafimaadka
Waxaana xusid mudan in ay sanooyin dib u dhacday doorashadu isla markaana ay tanaasulayeen asxaabta dalkani ku waas oo hadafkoodu ahaa sidii aysan nabad gelyadu khalkhal u geli lahayn.
sannadii 2010 ka dalkan waxaa ka qabsoomaay doorasho xor iyo xalaal ah taas oo ay ku guuleeysteen mucaaridku isla markaana ay haneeyeen muxaafidkii waana markii u horeysay ee qaarada uu dhaco dalkani lagu arko madaxweyne lasoo doortay oo si nabadgelyo iyo dumuquraadiyadi ku dheehan tahay isla markaana aanu dhiig ku daadan uu madaxweyne kale oo la soo doortay u bedelo taas oo kor u qaaday sharafta sumcada iyo maamuuska dalkan oo madaxda afrika qaarkeed ay ku tilmaameen in afrika ay qoruxi u soo baxayday waxaana sidoo kale si weyn u amaanay deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan ra’iisal wasaar aha dalka ingiriiska david camereon iyo wasiirka afrika u qaabilsan dalka maraykan.
28kii-11-2012 oo aynu haatan ka joogno muda kooban waxa dalkani si rasmiya uga bilaabmay islamarkaana ay shacabka reer Somaliland u dareereen codbixinta doorashada golayaasha Deegaanka taasi oo ku soo geba gebawday sidii shacabka dalkani caadada ulahaayeen ee ku qotomay nabadgelyada iyo kala danbaynta,
waxayna haatan dhamaanba shacabku siweyn ugu dhegtaagayaan ku dhawaaqida natiijada ay soo saaraan Gudida doorashooyinka qaranka, ee ku aaddan ugudbida miiqaamka saddexda xisbi qaran,waana mid ay beesha caalamku si weyn indha ugu hayso sida habsamida leh ee ay dadweynuhu ucodeeyeen,
Hadaba su aasha is weydiinta mudani waxay tahay madaxda ururada iyo xisbiyada waqtigan ku loolamaya saaxada siyaasada ma yihiin kuwo ku sifoobay sidii loogabartay tanaasul iyo isu hanbaylyayn hadba midka laga guulaysto inuu ka kale ugu hanbalyeeyo, su aashaa jawaabteeda waxan u dhaafayaa dadweynaha,
Si kastaba ha ahaatee akharistoow dalkani waa jamhuuriyada Somaliland oo aan wali ictiraaf buuxa ka helin beesha caalamka balse soo jiidatay indhaha Aduunka waxayna soo martay marxalado adag iyo dagaalo saameeyey dhamaan kaabayaashii bini aadamnimo
Guud ahaan marka la iskusoo wada xooriyana dalkani waxa uu ku talaabsaday horumar dhinacyo badan leh sida taabo gelinta dumuquraadiyada waxbarashada caafimaadka sal u dhigista dhaqaalaha dalka maamul wanaaga nabadgelyada dardar gelinta warshadaha gaarka loo leeyahay iyo la dagaalanka budhcad badeeda iyo tahriibka.

Qalinkii Wariye: Muuse Xasaasi
Oodweynenews
Oodweyne/Office
E mail:muuse04@gmail.com
Tel: 252 2 4484405
