SAWIRKA KAARTOONKA OODWEYNENEWS EE TODOBAADKAN!
Waxaan maqli jirnay ADIS ABABA oo ah Caasimadda Itoobiya, oo loo yaqaano AIDS SABABA, taas oo u cadaynaysa inaan laga aqoonin degaan-kaas ama somaliland hadase fara baas ayuu inagu hayaa , hadaanu nahay shebekada oodweyne ,, waxaanu umahad celinayanaa hay’yadda ka wada dalka wacayi gelinta todobaadkan ,, waxaanu leenahay STOP AIDS, waa cudur dilaa ah ilaah ha inaga badbaadiyee sidda la yidhi, oo laga qaado galmadda, waxa waa jib ah in ruuxa qabaa uu ka badbaadiyo inta kalle oo aanu si sahayan ruux kalle, isna uu wixii dawo ah qaato, oo aanu qarsan ee la tacaallo ilaah ha ka qaado’e.
Ummadda reer Somaliland iyo dhamaanba muslimiinta waxanu ku baraarujinaynaa, in aan la faquuqin haday la kulmaan qof qaba, ee loo duceeyo, si aanu uga qancin nolosha, oo isu arkin ruux ay u dhamaatay, ee la soo dhaweeyo, loo dadaallo oo wax lala qabto, isna uu dhakhtaradda la xidhiidho oo si joogto ah u qaato daawooyinka loo qoro, si uu halkaa ugu joojiyo oo aanu ku sii xumaan.
Xukuumadu waa in ay iyana xil gaar ah iska saartaa oo wacyi gelin balaadhan, iyo taxadir dheeraad ah u gashaa, siddii ay u caawin lahayd dadka xanuunkaa qaba, ee ay niyadda ugu dhisi lahayd, una heli lahaayeen dawaayinka ay u baahan yihiin, ugu dambayn ha loo duceeyo in eebbe ka saaro oo caafimaad ugu bedello, Aamiin.
CUMAR SHIDE ARTS,


