SAWIRKA MAANTA. Waa Guri Barwaaqo …
Sawirka maanta ay idiin soo gudbinayso shabakada caalamiga ah ee Oodweyne News, waa guri barwaaqo waa aas aaskii nolosha reer guuraaga iyo xoolo dhaqatada waa reerkii oo loo sahamiyay guri barwaaqo oo aan shilin iyo qodax iyo gabaaray toona lahayn oo aan guri cas hore loo deganaa ahayn waa guri ugbaad ah, waxaad daawanaysaan hablihii reerka oo intay reerka u soo dhaamiyeen dhaankii awrta ka furaaya, bal nala daawada xerta sawir hasdhsato waxaa laga yaabaa in qaar idinka midi ay xusuus ku reebto iyo waayo waayo ku soo dhawaada guri barwaaqo!.
SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

