Shir looga hadlayey arimaha bini’aadanimada oo ka dhacay muqdisho
Muqdisho(OWN)- Waxaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho shir ugu horeeyay ee arimaha bini’aadanimada looga hadlayo kaasi oo ay wada yeesheen Dawlada soomaaliya iyo masuuliyiinta haya’adaha qarama midoobay oo kala duwanb garayay ila 170 oo isku jira kuwa deeqaha bixiya .
Shirkaas waxaa looga dhawaaqay yabooh soconaya mudo saddex sano ah kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in dadka dhibaataysan ee gudaha soomaaliya ku nool ee dhibaatadu haysato oo ugu badan barakacayaasha iyo waliba kuwa kale ee u baahan gargaar.
Shirka ayaa waxaa ka so qayb galay kusimaha wakiilka qaramada midoobay ee afrika iyo wasiirka arimaha dibada iyo amniga qaranka ee Dawlada soomaaliya waana shirkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca muqdisho ,waxana loo baahan yahay ayaa la yidhi si xaalada deg dega ah ee ku soo wajahan soomaaliya looga hortago lacag gaaraysa 1.milyan oo dolarka maraykankan taasi oo hadii ay bixin waayay deeq bixiyayaashu ay imaan karto xaalada kale oo iyana u baahan in la wajaho.
Oodweynenews.com/Muqdisho
