|

SIYAASIYIINTA URURADA DULMIGU KU DHACAY YAANAY HURMUUD KA NOQON BURBURINTA SHACABKOOGA

Marka hore salaan guud ayaan u dirayaa bahda warbaahinta Oodweynenews, intaa ka dib waxan farayaa shacabka Somaliland meel waliba oo ay joogaan inay nabada ilaashadaan, gaar ahaan shacabka ku dhaqan gudaha. Mudadii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland oo manta 20-jirsatay waxaad ku naaloonayseen  nabad iyo caano, horumar iyo barwaaqo, hadaba doorashadani yaanay noqon mid aad ku laashaan nabad gelyadii aad ku soo caano maasheen.

 Waxaan sigaara ula hadlayaa Siyaasiyiinta ururada la dulmiyay, Siyaasi fursado badan baa kuu furan in aad ku muujiso hamigaaga siyaasadeed oo waliba aad kula dagaalanto kuwa caadaystay inay xaqdaro ku maamulaan shacabka iyo dalka lagu aaminayba.

Siyaasi ma aha hadii  xaqaaga la duudshay, ama lagu dulmay inaad hub ahaan u isticmaasho shacabkii  adiga ku doortay ee 24-saacadood kiyuuga cadceeda kulul kuu taagnaa, shacabka Somaliland way ka dheragsanyihiin in xisbul xaakimka khaladkii ugu waynaa ee abid ka dhaca Somaliland iyagu masuul ay ka yihiin taariikhduna ay qori doonto, ee

Siyaasi adigu ha noqon mid burbur u horseeda  shacabkiisa  baal madawna haka gelin taariikhda Somaliland.

Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa nabada wax la barbar dhigikaraa oo  aduunka guudkiisa yaala ma jiro ee aynu wada ilaashayno nabada Ilaahay ina siiyay.

Abdulkadir Sugule Ahmed

kardha@hotmail.com

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS