|

Somaliland iyo shacabkeedu ka wayn in lagu khuukhiyo nabadiinaa khalkhal gelaysa,,ee siyaasiga sidaa lahow haku saqiirin indhaha dadkaaga. By: abdirashid osman

dhamaan waxaan salaamayaa bahada saxaafada qaybaheeda kala duwan inta ma,baadiida saxaafada isdultaagta ee ku dhaqanta,waxaan kaloo salaamayaa shaqaalaha saxaafdaa mudanayaal iyo marwooyinba.

si gaara waxaan u xusayaa websiteska oodweynews ,hadhwanaag, somaliland org,somaliland tody.

waxaynu ognahay oo la soconaa in muda ahba in lagu mashquulsanaa natiijada ka soo baxaysay codayntii doorashada golayaasha degaanka ee ururadu ku tartamayeen taas oo loo dareeray maalintii 28/11/2012 wed gii,yadoo aan weli si fiican loogu wada dhawaaqin natiijadii kama danbaynta ahayd oo komishanka qaranku ku howlanyahay,hadana waxaa soo baxaya natiijooyin hordhaca gaar ahaan kuwa degmooyinka.

waxaa hadaba aad moodaa in nataaij kaa hordhaca ah ururadii tartamayey ay qaar u cadaatay inay ku hadheen sidaa oo rajo beel ku sugan,halka qaar ay uga soo baxday hordhacaa guul horle.

hadaba xisbi xaakimka kulmiye iyo ururka wadani ayaa u eeg inay u gudbayaan sadexda xisbi ee soo hadhidoona halka ka sadexaadna uu weli ku jiro mugdi,laakiinse sida la saadaalinaayo ama nataaij ka hordhacuba tilmaamayaan ayey u eegtahay inuu noqon doono URURKA UCID.

waxaa hadaba xasuuus mudan in intii ololuhu  u socday ururada iyo axsaabta in sadaashu ay u badnayd in kaalinta sadexaad loo badinaayey inuu ku soo baxo URURKA XAQSOOR,halka labada kale ay cadayd,lakiin carabka  dadku uu u badnaa kaalinta sadexaad uu gelayo URURKA XAQSOOR.

Hadaba suaasha taagani waxay tahay maxaa ku dhacay ururkaa ,marka runta laga hadlo oo aynu u celino arintaa asalkeeda waxaa muuqatay in ay dadku uun iska jeclaysteen ururkaasi inuu sooo  baxo lakiin se marka la eego shacbiyada iyo qaacidada uu ku fadhiyaa ururkaasi ay aad u koobnayd,taa waxaa soo raaca in qabyaalad cad iyo xulufaysi ay arinteenuba isugu soo biyo shubatay markii codayntu bilaabantay,taasina inagumay noqon runtii wax lama filaan ee waa lafilaayey sida xisbiyadu u abuurmeen markii horeba.

waxaa soo raaca yadoo ahamiyad la siinayey gudoomiyaha ururka XAQSOOR oo ah mujaahid iyo siyaasi ruugcadaaya hadana taasi umay shafeeca qaadin madaama oo ay muuqatay inaanu howlbadan ka qaban sidii uu u kasbi lahaa bulsho badan bal wuxuu u eekaa mid kalsooni badan isku qaba.

si kastaba ha ahaatee maanta oo ay gabagaba tahay tirintii codadku waxaa muuqatay in ururkaasi ka baxay tartanka oo uu uga dhowyahay ururka UCID,gobaladii u isku halaynayey ee bari badankana aanu guulo badan ka soo hown,galbeedna hadalkeedaba daa.

asbaabtu way badantahay uu ururkaa reebtay lakiin waxay u badantahay mid uu gacantiisa ku kasbaday oo aan loogu iman,waanay muuqatay marka loo celiyo qabyaalada ina ragaadisay iyo xulufaysiga taagan.

taa waxaa soo raaca oo dadku carabka ku hayaan inay gacan shisheeye ku jirtay ururkaa oo lagu ogaaday taas oo dadbadani kaga baydheen.

dhinaca kale waxaa muuqatay in urura kale quusteen gelinkii horeba oo ay la aamuseen quus kuwaas oo yaga laftooda ay cadayd inay sidaa ku danbaynayaan marka la eego shacbiyaday haysteen .

hadaba marka nataaijka nihaa iga ahi soo baxaan ee lagu kala hagaago ururkii markaa cabasho qabay inuu soo gudbiyo isagoo cadaymo wata sheekadan waa lamagaga shubtay inta joojiyaan.

waxaa yaduna xusid mudan in markii horba ay doorashdan ay madmadowbadani ka muuqday ta ugu waynaydna ahayd in lagu gelayo diiwaan gelin la,aan taas oo keeni karta mas alada ugu wayn ee ka dhalankarta codaynta  oo ah ku noqnoqosho,,laakiin hab kale oo ku shubasha ahi way yartahay. boobcadina ma dhicin goob walba urur walba wuxuu ku lahaa goobjooge,kii bulshada iyo mid ajinebiyaba.markaa waxaan odhanlahaa iska aamina nasiibkiina .

somaliland iyo shacabkeedu maanta ka wayn qaar lagu khuukhiyo nabadbaa wax noqonaysa,siyaasiyiinta ururadaa hadlayana waxaan odhan lahaa haku saqiirina indhaha bulshadiina ee ku noqdo kuwii loo hayo ixtiraam iyo qaderin.

tartankii dhamaa kuwii guulaystayna guul kuwii ku guuldaraystayna guul,somaliland shacabkeeduna guul.

mabruuk KULMIYE,WADANI,UCID….

                                         abdirashid osman

                                 abdirashidsmn@yahoo.com

                                          00971506972985

————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS