|

Talo ku socoto Xildhibaanda Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Cadaadley, sabowanaag iyo Bariga Hargeisa.

Waxaan marka hore idinku Salamaya salaanta Islaamka, Asaalaamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaat, waxaan idinku hambalyeenayaa guusha aad kaso hoyseen dorashadii Golaha Deegaanka ee ka qabsoontay dalka aniga oo illahayna idiinka baryaya in uu xilka aad umada u qaadeen idiin fududeeyo oo aad noqotaan kuwii dhibaatada dalka ka jira wax ka qabta hadii ay noqoto baahiya ka taagaan degeenka e ay ugu horeeyso, biyo la’aanta, musuq maasaqa dowlada hoose ka taagan, xaalufinta deegaankii iyo nabaadguurka ka jira deegaankii laydinkasoo doortay iyo guud ahaanba caasimada Hargeisa, camal la’aanta haysata dhalinyarada, iyo dhamaan baahiyaha arimaha Bulshada ee deegaanka ka taagan. 



Waxa soo baxbaxaya hadalo sheegaya inay xubnaha faro ku tiriska ah ee maamulka Siraanyo gacan saarka la leh oo uu horboodayo Wasiirka kaluumaysiga, Geeljire ay idinku dirqiyayaan inaad u codeeysaan musharaxa uu kulmiye la doonayo inuu mayor ka noqdo Hargeisa, taasina waa mid aan laydinka aqbalayn inaad ka yeeshaan oo dhabar jab wayn ku ah dadkii habeenimadkii safafka dhaadheer usii galay si ay idinku codeeyaan waxaanan idinku baaqaynaa inaad mayornimadii deegaankaasi laydinka soo doortay ay xaqa u lahaayeen aad soo celisaan idinka oo muujinaya isku duubni iyo wada jir, iska ilaalisaan xubnaha dhiiga umada ku mabay ee madaxtooyada laga soo dirayo ee kolba shir duceed idinla galaya iyaga oo doonaya inay codkii deegaanka ka dhigaan hal bacaad lagu lisay, shilimo yaryar awgeed oo ay meel kasoo qaateen. Waxaanu idin leenahay hadaanu nahay qurbo joogtii deegaamadaas, waa laydin han weyn yahay oo waxa laydinku tirinayaan rag aqoon iyo waayo aragnimobaba leh ee yayna hoos idinka dhicin, balanteenuna waa Mayorka caasimada ee 2013 insha allah.


ALLAA MAHAD LEH






Cabdi Ismail Abib

Belguim, Antwerpen.

—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS