|

Ucid Holland: Hambalyo iyo Bogaadin By: M.M. Eleye (Suways)

Anagoo ah Xisbiga Cadalada iyo Daryeelka (UCID) qaybta Holland waxaan hambalyo iyo bogaadin udirinaa dhamaan shicibweynaha Somaliland gudaha iyo dibeda sida wanaagsan ee uga qeybgaleen doorashooyinkii golayasha degaanka taas oo ay calamka kaga muteysteen amaan iyo bogaadin.

Waxaa hambalyo u direynaa labada kale xisbi qaran ee ah Kulmiye iyo Wadani. Waxaanu ku leenahay Wadani iyo Kulmiye iney dibeda so dhigaan qorshooda iyo siyasada ee ku maamuliyaan deeganada dalka iyo wadanka. Si looga dodo oo xal keeni kara hurimarin loo gaadho.

Waxa kale oo si gaar ah aanu u hambelyeeneyna dhamaan tageeryaasha Ucid u codeeyay ee soo saaray marlabaad xisbiga Ucid. Hadaba xisbiga Ucid hadii u soo baxay waxaanu tageerayaasha xisbiga ucid xusuusineynaa iney hawshii weyneed hada inoo bilaabantay taas oo ah sidii aan uga midho dhalinleheed himilada xisbiga ee ah cadalada iyo horumarinta dalka iyo umada si aanu u fulino waxa. Waa ina u diyaar garoowno sida umada ugu shaqeyn leheen taladadoodana ay noogu aamini lahayeen.

Xildhidhibaanada Xisbiga Ucid ee dhamaan golayaasha degaanada Somaliland waxaan kula dardaarmeyna ina himilada xisbiga Ucid ee cadalada, horumarinta iyo daryeelka ah ay ka dhabeeyaan. Oo ah wixii shicibweynuhu inagu soo doortay. Umadana si cadalad iyo sinaan ah  ugu shaqeeyaan. Waxa kale oo aanu  ka codsanaynaa dhamaan xildhibanada Ucid ee laga soo  doortay  golayaasha degaanka wadanka oo dhami iney shir iskugu yimadaan oo ay  isla meel dhigaan sidii ay  uga midho dhalin lahayeen himilada xisbiga kana wada tashadaan sidii ay barnaamijka xisbiga uga hirgalin lahayeen deegaanada laga soo doortay.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhamaan Ururada ku hadhay doorashada balse  ku guuleystay iney kaalin mug leh ka qataan guusha la wada gaadhay oo ah guul qaran mar walbana xisbiga daryeelka iyo cadalada(UCID) wuxu diyaar u yahay so dhaweyntooda iyo wada shaqeyntooda si aanu u wada gaadhsiino Somaliland horumar, barwaaqo iyo guul.

Gudeemiyeha Ucid Holland

 M.M. Eleye (Suways
—————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS