Urrurka Dhallinyaradda Wadaniga ah Ee Qurbo Jooga Beesha (Badhulbahante) Ee Gaashaanka Oodweyne Oo Xalay Shir Ballaadhan Yeeshay
Kampala-(OWN)-Urrurka Dhallinyaradda Wadaniga ah Ee Qurbo Jooga beesha(Badhulbahante) Ee lagu magacaabo Gaashaanka Oodweyne ayaa Xalay Shir Ballaadhan oo fool ka fool ah si wadajir ah oo toos ah oo maqal iyo muuqaal leh ugu yeeshay mareegta Skype-ka.
Kulankan ballaadhan oo ahaa mid aad u mihiim waxay ka qayb galayaasha oo isugu jiray dhallinyaro, aqoonyahan iyo waxgarad kelaba ay si qotodheer ugu lafo gureen arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Gobolka Oodweyne, gaar ahaan Beesha Badhulbahante, waxaana madashaa cod aqlibayd ah loogu doortay xilalka sarsare ee gogaanka Gaashaanka Oodweyne oo kala ah Gudoomiye, Guddoomiye ku xigeen, Xoghaye, iyo Xidhiidhiye Guud, sidaana waxa warbaahinta u sheegay Aqoonyahan
C/xakiim Shire CismaAn (Wadne), oo ah isku xidhaha guud ee urrurka kana mid ah ardaydda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha dalka Uganda kana mid ah hawlwadeenadda Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil oo ku sugan caasimadda Kampala.
Aqoonyahan C/xakiim Shire CIsmaAn (Wadne), oo faahfaahin ka bixinaya waxyaabihii keenay aasaaska Urrurkan iyo waxyaabihii lagaga hadlay kulankan iyo natiijadda ka soo baxday ayaa yidhi “Marka hore ururkan waa urur aya ku dhan yihiin dhamaan dhaliyarada aqoon yahaniin taa ee beesha badhul bahanto ee ku nool qurbaha daafa dunidaa kaas oo xalay lagaga wada hadlay waxa ururkani loo sameeyey oo uu ka hadlay guroomiyaha ururku “
Waxaanuu tilmaamay in uu ururkani yahay mid loo gut ala galay in wax loogu qabto gobal ka oodwayne oo uu ka maqan yahay garab koodii dhalin yaro nimo halkaas oo xalay ay ku heshiiyeen in sanduuq loo samameeyo . waxa uu tilmaamay in dhalinyara kamaqan ururkan aya kala soo xidhiidhi karaan qolka khaaskaa ee skype oo ah (gaashaan dhiga oodwayne ee beesha bdb)
Waxa kale oo xalay la magacaabay xub nihii ururka .
Gudaamiyaha ururka : C/casiis heeryo jiciir oo jooga wadan ka (itali)
Gudoomiye ku xigeen : Safiya Cabdi Bulcaws oo ku nool wadan ka ( Swedan )
Xoghayaha ururka: ZamZam siciid Caydiid oo ku nool wadan ka ( Norway ) iyo
Isku xidhaha guud ee ururka oo loo magacaabay Aqoonyahan C/xakim Shire Cismaan (Wadne) oo kunool wadaan ka Uganda.
Waxa kale oo xusuus mudan
1- Muna Axmed Gadhyare oo ku sugan Imaaraadka Carabta
2- Juweeriya Jamaal Maxamed oo ku nool dalka Swdan
3- C/qani Xajiin oo kunool wadan ka Grermane
4- Rooble yuusuf Jaamac (rooble madaxdiin) oo kunool wadan ka swdan iy
5- Xamda Axamed Ibrahin (xamda dhanlaax) oo ku nool wadanka
6- abdisamad ahmed Ibrahim a/samad (dhalaax)oo ku nool landan
7- nuuradin yusuf hirsi galaaw oo ku nool wadanka s Africa
8- c/rahmaan caydiid a/rahman( jeego) oo ku nool wadan ka itali
madasha kulankan ka soo jeediyay hadalo u badan tallo iyo tusaalayn oo ku saabsan horumarka aasaaska Urrurka iyo baahidda loo qabo dhaqaajinta dardargelinta hawlaha loo aasaasay Urrurkan
Wixii faah faahina kala soo xidhiidh cinwaan ka ah
( shirre55@hotmail.com ama tell:+256792260051 ama 00393485990432
Uganda/Kampala.
