WAAR KAAYAGII MA SOO BAXEY W/Q-Ceelaabe
Markasta oo lagu Dhawaaqo Natiijada doorashadii golaha deegaanka ee wadanka ka qabsoontey 28 Nov,waxa ay ka farxineysaa dadka qaarkood,sidoo kalena waxa ay ka sii nixineysaa ama Niyad jab ay ku abuureysaa qaar ka mid ah taageerayaashii ururada aan rajada laheyn ama u dhow in ay hadhaan.Inkasta oo xildhibaanka codka badan in uu la hadhi doono Ururkooda iyo in uu Arintaasi ka madax banaan yahay dadka qaarkood isa su,aalayaan.Taageerayaal badan Ayaa faraxsan,Kuwo kale oo badana wey Naxsan yihiin ama waxa ay la yaaban yihiin sida ay u hadheen,Guusha iyo guul darada labadaba weynu sugeyney rag baratameyna qolo Ayuun baa badisa,Doorashadana waxa loo galay in la kala hadho.3 urur in la soo saaro ayaa loo galay oo afarta kalena ay ku hadhaan tartanka xorta ah ee doorashada.ururadan 7 ahi waxa ay ka soo dhex baxeen wareegii koowaad 18 urur siyaasadeed oo lagu dhawaaaqey,Maalintii hore markii ay warega koowaad u soo gudbeen aad bey u faraxsanayeen,kuwo kale oo hadheyna in badan ayey ku doodayeen cadaalad daro ayaa lanagu reebay.Maalintaasi arintii heysatey ururadii hore xaqsoor iyo ummad midna kama hadal oo waxa ay u arkayeen ururo ku hadhey wareegii kowaad,sidaasi oo kale horta waa in ay isku arkaan in ay iyaguna wareegii labaad ku hadheen.Ururada qaarkood wey og yihiin in ay ku hadheen hab cadaali ah ama laga wada horeeyo meel kasta gobolada,waxaaney ku qancayaan wax kasta oo loogu dhawaaqo,Maxaa yeelay markii horeba tamartoodu wey iska Muuqatey Loomana saadalin jirin lamana fileynin in ay Soo baxaan.
waxa Jira ururo Markii hore la moodayey in ay cudud buuran ku heystaan gobolada oo dhan,Laakiin doorashadii ka dib ay dadka u cadaatey in ay ku uruursan yihiin gobol ama magaalo keliya.Lagama hadlaayo in si diiran magaalada laguugu soo dhaweeyo ama aad gudoomiye ka magacaabato waxa laga hadlayaa maalinta codeynta sida laguugu soo baxo.Inkasta oo aan qirsanahay in marka laga hadlaayo habka loo codeeyey ay ku Jirto in lagu celceliyey haddana lama wada odhan karo Guud ahaan wadanka oo dhan Ayaa lagu celceliyey.Meelo si fiican ay uga dhacdey ayaa Jira,Meelo warqaduhuba ay ka go,een ayaa Jira sidoo kalena urur kasta ama magaalo kastaba marka laga hadlaayo ku celcelinta wey ku jirtaa oo urur kastaaba wixii kaarto ama cudud musuq maasuq ah wuu sameeyey midna muu yareysan,urur kasta haddii la soo qaado magaaladiisa iyo tuuloyinkiisa ama caasimada hargeisa meesha uu ka dagan yahay aad ayuu ugu celceliyey.urur ku doodi kara waxbaa lagu shubtey ma qabo in uu Jiro.Gobolada bariga iyo galbeedkaba sidii loo deganaa ama loogu kala badnaa ayaa loogu soo kala baxey.Waxaana xaqiiqo ah in dhab ahaantii ay jirtey qabyaalad badheedh ah oo muuqatey urur kastaana isticmaalaayey.lama odhan karo ururkaasi ayaa qabyaalad doorashada ku galay,murashax kastaa reerkooda ayuu ahaa.beelkastana waxa ay dabo fadhidey xildhibaanadooda.arinta qabiilkana cidna laguma dhaliili karo.qabiiladuna wey kala badan yihiin,wey kala siyaasad fiican yihiin,wey kala dad badan yihiin,weyna kala aqoon iyo cilmi badan yihiin.
waxaad moodaa in maalmahani sidii doorashada loo sugaayey ay dadku u sugayaan hadba magaalada ama degmada lagu dhawaaqayo si loo ogaado xildhibaanada soo baxey iyo ururada hogaaminaaya kuraasta golaha deeganka degamadaasi ama magaalooyinka waaweyn intaba.si weyn ayaa loola socdaa magacyada qabiilada ay ka soo jeedaan iyo ururada ka tirsan yihiin intaba markasta oo lagu dhawaaqo natiijada doorashada golaha deegaanka.si weyn waxa suuqa u heysta hadalheynta iyo faaleynta la xidhiidha kolba natiijada la soo saaro.degmooyin badan natiijada ka soo baxdey waa sidii la filaayey ama laga sugaayey in ay yeelaan dadka deegaankaasi ku nooli.meelo badan dadkee degaankaasi ku noola ama ka soo jeeday ayey ururadoodu ugu horeeyaan.waxaana meesha ku jirtey in dadkii caasimadaha laga qaadey lagu xoojiyey meelaha dadkoodu yaryahay.urur aan dad gurana muu jirin oo mid kastaa dadkii uu magaalada ka saarey meeshii uu geeyey isaga ayaa garanaya haddii ay u codeeyeen iyo haddii ay kaga baxeen intaba.Su,aasha ah waa lagu shubtey ama cadaalad daro ayaa ka dhacdey,urur kastaaba wuu soo galayaa,reer kastaana meesha uu dego wuxuu ku soo saarey ururkii siyaasiyiintiisu ku Jireen.
waxa laga hadlayaa arimo la xidhiidha dhaliilo dhinaca maamulxumada ah oo loo soo jeedinaayo komishanka doorashooyinka qaranka.horta 7 nin oo haya xilka doorashooyinka wadan ay ku noolyihiin 3.5 million waad garan kartaa,koley nin habari dhashey hal ma seegi waayo,waa la odhan karaa wey jiraan arimo lagu dhaliili karo guddiga doorashooyinka qaranka oo sidii loo qabtey doorashadii madaxtooyada iyo tani wey kala duwan tahay,laakiin haddana komishanka doorashooyinka qaranku wey dedaaleen,wixii ay qaban karaayeen wey qabteen.berigii hore haddii lagu galay Id Cards,waa dhaliil in aan tani lagu gelin waana arinta keentay in lagu celceliyo waxkasta.
waxba ma hadhin,hargeisa iyo gabiley Ayaa la filayaa ama la isku hayaa.urur kastaa wuu ogyahay natiijadiisa saxda ah,waxaana la rumeysan karaa habka loogu dhawaaqey in ay tahay mid ku saleysan habka beeluhu u degaan gobolada somaliland iyo sida ay beeluhu u kala taagersan yihiin ururada tartamaya.hargeisa ayuunbaan weli la ogeyn,inta kale waxa muuqata Kulmiye,Waddani,Ucid inkasta oo Ummad ku dabo Jiro.
Haddaba arinta qosolka leh ayaa ah,dadkii suuqa oo dhan Ayaa leh,waar kaayagii ma soo baxey,Midkaanu wadaney miyuu hadhey,Mayee kaalinta koowaad ayuu ku Jiraa,Mayee kaalinta saddexaad ayuu ku Jiraa,Wuu hadhey kaasi ku daa.Mr waddani odeyga ogaal ayaa hadley oo yidhi suuqa xildhibaanada golaha deegaanka ee hadhay ayaa xaamiyee ha nagaga dhawaaaqaan.mar dadkii waxa ay odhanayaan ururkayagii ma soo baxey,Marna waxa ay odhanayaan WAAR XILDHIBAANKII AANU WADANEY MIYUU HADHEY,REER KASTAA WUXUU WATEY MURASHAX,WAAR KAAYAGII MA SOO BAXEY,MAYEE WUU HADHEY.AAD BAAN U QOSLEY MARKAAN MAQLO ARINTANI.
kaalinta koowaad Ayuu ku jiraa,Kaalinta lixaad ayuu ku jiraa,weynu soo saarney,wuu soo baxey,reerkii wuu u soo baxey ayaad meelkasta ka maqleysaa.Arinta kale ee meesha ku jirta ayaa ah rag badan oo la filaayey in ay soo baxaan ayaa hadhey,Qabiilada qaarkood ayaa beeshooda ka sharaxey 5 ama 6 nin kuwaasi oo isla degay codkoodina kala biiqbiiqey.halka raga qaarkood ay ku soo baxeen beeshooda oo mideysneyd kuna heshiisey in nin qudha loo tanaasulo codkana meel la wada mariyo.rag badan oo aan beeluhu wadan odayaashuna soo saarin ayaa ku soo baxey codka ay ka heleen asxaabta iyo dhalinyarta oo u kacdey ay ku xidhnaan Jireen.rag badan oo madaxyo weyn u ahaa tartankii ololaha ayaa la waayey meel ay mareen.waar suuqa xildhibaanada hadhey ayaa xaami ah.meelkasta waxa lagaga sheekeynayaa kuwii hadhey ee codka waayey.maqaaxiyaha marka ay yimadaan waxa la odhan doonaa waa xildhibaankii hadhey,tolow immisa cod ayuu helay 100 cod Ayuu helay.Waar ninkaasi ha soo baxee daa,Waar ninkaasi horta ha hadho,Waar miyuu hadhey,Miyuu soo baxey.Immisa cod ayuu helay,waxaan maqley kaalinta 6 ayuu ku Jiraa ayaa suuqa ka socota.Qof kasta waa in laga dhaadhicin karaa in uu hadhey doorashada.Waar kaayagii ma soo baxey marka la leeyahay waxa loo Jeedaa Murashaxii beesha ama reerka ama kii ay u codeeyeen,looma Jeedo ururkii uu ka tirsanaa.bilaha soo socda oo dhan waxa suuqa heysan doonta ,Miyuu hadhey,Ha loo sheego,
W/Q-Ceelaabe
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
