|

War Deg-Dega Natiijada Hordhaca Ah Ee Berbara Oo Lagu Dhawaaaqay

Berbara(OWN)- komishanka degmada ee Berbara ayaa hada uun ku dhawaaqay natiijada ku meel gaadhka ah ee kala sareynta  Xisbiyada.

 Natiijadan  ayaa  sheegaysa qaab ka ay  ururada/xisbiyadu ugu kala sareeyaan  Berbara iyaga oo kala helay xidhibaano una kala  helay  sidan hoos ku qoran.

1-      Kulmiye 9 xildhibaan

2-      Ucid 5 xildhibaan

3-      Waddani 3 Xildhibaan

4-      Rays 2 xildhibaan

5-      Umadda 1 xildhibaan

6-      Xaqsoor 1 xildhibaan

7-      Halka Dalsan oonuu waxba ka helin

Iyadoo ay  maalmahanba  si joogto ah iskaga soo daba dhacayaan natiijooyinka hordhaca ah ee Degmooyinka iyo Gobolada  dalaka Somaliland  oo ay dhamaan toodba ka qabsoontay codbixinta doorashadu  marka laga reebo meelaha qaar, ayaa ilaa hada  ay hadhsan yihiin  Magaalooyinka Hargaysa,Burco iyo Shaakh .

Oodweynenews.com

COMMENTS