|

War Deg-dega urur Siyaasadeedka Xaqsoor oo Qaadacay Natiijada Doorashada

Hargaysa(OWN)- Urur siyaasadeedka Xaqsoor  oo maalmahanba  saluugsanaa  hanaanka loo maamulay sanaadiiqda Codbixinta ee doorashada  deegaanka oo todobaadkii lasoo dhaafay ka  qabsoontay soomaaliland  taasi oo aan ilaa hada  natiijadeeda rasmiga ah lagu  dhawaaqin ayaa dalbaya in la laalo doorashada.

 

Ururka Xaqsoor oo qaar kamida  masuuliyiintiisu galabta shir jaraa’id ku qabtay  Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa  ayaa  shaaca ka qaaday in  aanay aqbalaynin tatiijada kasoo baxda  doorashada iyago oo  sheeganaayey in lagaga  shubtay barriga iyo galbeedka oo ay sheegaan inay ku lahaayeen taageerayaal badan.

 

 Madaxdan  galabta hadashay ayaa sidoo kale sheegay in  laga  masaxay dhaatadii iyo  codadkii  degmada Axmed Dhagax  halkaasi oo  sheeganayeen inay  awood ku lahaayeen waxaana iyaga oo ha hadlaaya arimaasi ay  yidhaahdeen “Maanta waxa la masaxay codadkii degmada aanu uugu awooda badnayn ee Axmed Dhagax waxaa lagu masaxay  xarunta  dhexe si ku tallo gala ayaa loo masaxay, waxa la tuuray codad badan oo aanu ku lahayn, halkaas natiijada kasoo baxdaa maaha midaan aqbali doono”

 

Sidoo kale masuuliyiintan ayaa ku celceliyey inaanay marnaba aqbalayn natiijada doorashada “Anaga oo ah ururka Hogaaminaayey Doorashada maanta waxaan leenahay Doorashadaasi ha la kansallo, oo komishanka ha la kala diro, kaas ayaa dadka kala dirayee ka urur ahaana waxaanu leenahay  ha la kansalo doorashadan”

 

Ururkan ayaan ahayn  markii uugu danbaysay  ee ay  warbaahinta cabasho mariyeen taas oo ay u marinayaan xukuumada iyo waliba  komishanka doorashooyinka  qaranka .

Oodweynenews.com/Hargeysa office

COMMENTS