|

WAR DEGDEG AH: Xarunta Komishanka Ceerigaabo Oo Rasaas Loo Adeegsadey.

Ceerigaabo(OWN)- Waxaa Caawa (Xalay) Fiidkii  magaalada Ceerigaabo laga maqlay rasaas ka dhacaysa dhinaca xarunta komishanka Ceerigaabo.

 

Lama oga xaqiiqada dhabta ah ee rasaastani ka dhalatay haseyeeshee wararka naga soo gaadhey dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in rag hubaysani oo sida la sheegay diiddan sanaaduuqdii lagu codeeyey oo komishanku damacsanaayeen caawa in ay gaadiid ugu qaadaan dhinaca Hargeysa ay halkaas tageen kaddibna si ay arrintaas u joojiyaan awgeed ay rasaastan ugu adeegsadeen, iyagoo ka rajo qaba codadka sanaadduuqdan ku jira in dib loogu tiriyo.

 

Ma jiro war rasmi arrintan kusaabsan oo kasoo baxay dhinacyada xukuumadda iyo komishanka toonna, laaina oga ilaa hadda wax qasaare arrintaas ka dhashay waxana la sheegayaa ciidammada nabadgelyadu goobtaas in ay gaadheen sidoo kalena dhallinyarada kacdoonsan laftoodu aanay meesha ka durugsanayn balse ka ag dhowyihiin goobtaas.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office

 

COMMENTS