WAR-SAXAAFADEED: Ujeedo: Xil magacaabis
Maamulka Guud ee Hay’ada samo-falka ee Tog-wajaale Foundation (TWF), markuu arkay:
1-Baahida weyn ee loo qabo in la dar dar galiyo hawlaha Hay’adda ee ku wajahan Dalka gudihiisa
2-Markuu la tashi ballaadhan iyo talo wadaag badan sameeyey
3-Markuu ku qancay aqoontiisa , kartidiisa , daacadnimadiisa & sumcadda uu bulshada ku dhex leeyahay
Waxaa Guddomiyaha Hay’adda samo-falka ee Tog-wajaale Foundation ee Somaliland loo magacaabay ,
mudane , Ahmed Mohamed Hussein (Dool).
Waxaan Allaha awoodda leh uga baryeynaa, inuu masuuliyaddaa loo igmaday ku guuleeyo ,
ku garab galo , una fudueeyo.
Maamulka Guud ee Tog-wajaale Foundation (TWF)

