Natiijada Codbixinta Hordhaca Ah Ee Burco Oo Lagu Dhawaaqay
Burco (OWN)- Gudoomiyaha Degmada ee komishanka qaranka Somaliland ayaa waxyar ka hor uun ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee Degmada Burco ka heleen Ururadu iyo xisbiyada ku loolamaayey Doorashada golaha Deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa shaaciyey tirada ay kala heleen ururadu iyo waliba musharaxiinta ay ku kala guulaysteen, waxaanay u kala horeeyaan sidan:-
1- Kulmiye 42561 oo helay 7 xildhibaan
2- Waddani 29633 oo helay 5 xildhibaan
3- RAYS 24685 oo helay 4 xildhibaan
4- UMADDA 18458 oo helay 3 xildhibaan
5- Ucid 7587 oo helay 1 xildhibaan
6- Xaqasoor 4212 oo helay 1 xildhibaan
7- Dalsan 2135 oo halkaasi aan haba yaraatee ka helin wax xildhibaano ah.
Oodweynenews.com/Burco
