|

Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Ururka RAYS

Waxaan halkan idiin kusoo gudbinaynaa warsaxaafadeed nasoo gaadhay kaasoo uu ku saxeexan yahay Xasan Maxamed Cali oo ah  Guddoomiyaha Ururka RAYS, waxaanuu uqornaa qoraalkaas oo dhan sidan:–

 

Waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga Somaliland , waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa taageerayaasha ururka RAYSmeelkasta oo ay joogaan , Waxaan tacsi u dirayaa eheladdii iyo qaraabaddii dhalinyaraddii ku geeriyootay banaanbixii magaaladda hargaysa ay kagaga cabanayeen codadkii ay dhiibteen ,Waxaan illaahay ka baryayaa inuu intii dhimatayna u naxariisto , inta dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo .

 

Intaa ka bacdii, doorashaddii ka dhacday wadanka sidda la wadda ogyahay waa mid guud ahaan dhalisay muran iyo shaki farabadan , komishanka qaranku marnaba ma buuxin kaalintii lagu sugayay waxayna si cad u muujiyeen inaanay damba ka lahayd khaladadka iyo wax isdaba marinta baahsan ee ku suntanayd maalintii codbixinta iyo maalintii ka dambaysay oo meelaha qaarkood codbixintu ka socotay .

 

Waxa guddiga doorashooyinka Qaranku natiijaddii hordhacay ahayd ee degmadda hargaysa ku dhawaaqeen bisha 6-deedii, waxayna bisha 8-deedii ku dhawaaqeen inay qalad ahayd dibna loo tirinayo , waxayn haddana bisha 10-keedii ku dhawaaqeen inay tirintii codadkii degmadda hargaysa dib uga Noqdeen , intaas ayaa cidwalba ku filan inay guddigii loo xilsaaraydoorashooyinku horseed ka yihiin masiibadda ka dhalatay doorashaddii ay Gacanta ku Hayeen , Taasi oo dhalin karta amaan darro mugleh .

 

Waxaa Xaqiiqo ah hargaysa waxa ka dhacay wax aad uga xumi inay ka dhaceen dhamaan goboladda dalka in doorashaddu si nabadgalyo ah u dhacday layslama diidana marka laga reebo degmooyinkii dilku ka dhacay , intaasna goob joogayaashu way sheegeen laakiin in foolxumo aad u weyni dhacday cidna kama Qarsoonayn.

 

Isku soo duub oo doorashadani dildilaac badanayay dhexdhigtay shacabka Somaliland ,mustaqbalka doorashooyinka iyo hanaankii geeddi-socodka dimuqaadiyaddan si culus bay u dhaawaysaa .

 

Mawqifka Ururka Rays: iyadoo ay adagtahay in lagu qanco natiijaddahaddana :

  • · Markaanu eegnay baahidda Nabadgalyo ee uu mudan yahay shacbigayagii siddii xalaasha. ahayd u codeeyay laakiin la dulmiyay .

  • · Markaanu la tashanay taageerayaashaddii aragnayna inay ku weyntahay wadaniyadda , midnimadda, iyo ilaalinta Qaranimadooda .

  • · Waxaanu Go,aansanay inaanu aqbalo natiijadda ay ku dhawaaqo Maxkamaddu ee doorashadda la galay 28/11/2012.

Waxaanu soo jeedinaynaa in Guddigii Gacanta ku haysay doorashaddu shuruud la,aan isku casisho ,hadday taa garanwaydona xasaanadda laga qaado .

 

 

Allaa Mahad leh

Xasan Maxamed Cali

Guddoomiyaha Ururka RAYS

COMMENTS