|

Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Dib U Dhigtay Qabashada Koobka Gobolada Ee Kubada Cagta

Hargaysa(OWN)- Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliland  ayaa maanta shaacisay inay  dib u dhigtay Qabashada koobka kubada cagta ee Gobolada Somaliland,  kaasi oo ay sanadkan ka qayb  galayeen dhamaanba gobolada Somaliland.

 

Wasiirka wasaarada Ciyaaraha  Cali Siciid Raygal oo maanta  shir jaraa’id ku qabtay   xafiiskiisa ayaa sheegay in ka wasaarada ahaan ay  dib u dhigeen  qabashada koobka  kubada cagta ee gobolada Somaliland kaasi oo ay hore u  qorsheeyeen inuu  dalka ka qabsooma  15 bishan aynu ku jirno.

 

 Wasiirka  ciyaaraha Ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay  koobkii kubada cagta ee gobolada Somaliland  ay dib u dhigeen  ilaa bisha koowaad ee sanadkan 15keeda, isaga oo wasiirku sheegay inay ku kaliftay  xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo  waliba codsiyo badan oo uuga yimi dhalinyara  Iskuulada iyo Jaamacadaha dalka kuwaasi oo uu sheegay inay wasaarada ka codsaday in haatan la galayo wakhtigii  Imtixaanka  isla markaasi  ciyaaraha dib loogu  dhigo inta ay  imtixaanka ka baxayaan.

 

 Wasiirku waxaa kale oo uu shaaciyey in  koobka sanadkani ay ka qayb galayaan dhamaanba Gobolada Somaliland  kuwii hore iyo kuwa cusubiba halka ay sanadkii hore  ka qayb galaeen gobolo  kooban,

 

Jamaal Cabdi Muxumed

Oodweynenews.com

Hargaysa Office

COMMENTS