” Waxaan doonayaa inaan toosiyo [saxo] taariikho ama tirooyin: Waan ka raali gelinayaa dadkii dhegaystay waraysiga xasuus reeb.”: Duuliye Maxmuud Maxammed Xayd
Waxaan doonayaa inaan toosiyo [saxo] taariikho ama tirooyin: Waan ka raali gelinayaa dadkii dhegaystay waraysiga xasuus reeb.
1 Ismaciil Cali Abokor waxa uu kaga hadlay musuqmaasuqa iyo qaraabo kiilka khudbad uu ka hor ieediyay golihii sare ee kacaankii ama xisbigii hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed ee uu hogaaminaayay Moxammed Siyad Bare 1980kii. Ma ahayn 1981kii sidaan ku sheegay waraysigii uu ila yeeshay Maxamuud Cabdi Cali Ducaale oo ka tirsan HC–TV.[ 31-05-2012. Ismaciil Cali Abokor mar keli ah ayaanu kulanay taasina waxay dhacday markaan ka qaaday Muqdisho [bishii sideedaad 1980kii] kuna dejiyay garoon yar oo ku yaal agagaarka warshadii sonkorta ee Mareeray.
2 Hogaamihii dagaalkii hubaysnaa ee SNM Maxammed Xaashi Diiriye [lixle] waxa laga fadhiisiyay shaqadii Ciidamada soomaaliya bilihii ugu horeeyay 1980kii ma ahayn sidaan u idhii 1981kii.
3 Dherarka dhabaha dayaaradaha ee Berbera waa 4km iyo200m. Ma ahayn sidaan u idhi 2km iyo400m.
4 Ciidanka weeraray dugsiga tababarka iyo xabsiga wayn ee Madheera [3-1-1983dii] tiradiisu waxay ahayd sagaal iyo sodon[39] iyo afar saraakiil ah. Waxa kale oo iyana la noqday ciidan shan ah baabuurkii naga soo qaaday saldhigii ugu wayna saldhiyadii SNM ee Gaashaamo. Tirada maxabiista ku jirtay xabsiga way ka badnayd todoba boqol[700].
5 Waxaan raali gelin kal iyo laab ah u gudbinayaa madax wayni ku xigeenka Somaliland mudane Eng. Cabdiraxman Ismaaciil Cabdullahi Saylic][ oo aanan magaciisa u sheegay si aan dhamays tirnayn.
Duuliye Maxmuud Maxammed Xayd

