WAXBA YAANU XEERKAAY I MARIN XOOLANA ISIINE (Dr Gaboose) By: Jama Ali Musa
Waa salaamanyihiin dhamaan bahweeynta mareegaha S.land, waxaan aad iyo u tahniyadaaynayaa dhamaan dadkaayga xalaasha ah ee doorashada nabada u dhacday ka riday dalkaayga Somaliland. Intaa hadaan dhaafo waxaan xalay Tvyada ka daawaday Mudane Maxamed Cabdi Gaboose oo ka habaartamaaya shaanshadahada laayska arko ee Soomalida, kuna tiraabayaa khaladaad uu ku edaaynayo daawlada maanta dalka ka talisa iyo mujaahidka hogaaminaya. xaq ayaad Doctor u leedahay inaad ka cabato wixii cabasho mudan adiga oo marinaayaa wadooyinka cabashada loogu tala galay mana ihi nin kaaga soo jeeda madaxweeynahaga iyo daawladadaa . Waxaanse nasiib daro ku tilmaami karaa inaad maanta Dr Silaanyo ku edaayso nin aan maanta dalka lexejeclo ka lahaayn..
Aaynu tariikhda dib u milicsanao Adeerkayoow, Silaanyo waa kuma hota? Marka aaynu ka tagno xaqiraada iyo xinka iyo xaasidka uu dhaqanka u leeyahay reerka aaynu ka soo jeednaa aan isagu isindha buuxin waa Haashimiyee, balse umadaaha kale u rixiya, Marka cid shisheeye xumaan ku samaaysana shisheeyaha wanaag iyo kalgacal ugu abaal guda balse ka ka iyaga ka dhasha Xin iyo xafiiltaan miscirirta ula soo gala.. Intaaba marka aaynu dhinac iska dhigno silaanyo waa kuma? silaanyo waa kii maalintii dalkeena iyo dadkeena la hantiyay iskaga tegay hadahacii uu fadhiyaay ee duurka iyo aayda 15ka sanadood ugu jiray dib u xoraaynta dalkisiisi iyo dadkisii reer somaliland. silaanyo waa kii salka ka soo unkay nabada ilaa heerka aaynu maanta gaadhsiisanahay Somaliland.
Silaanyo waa KII adiga aawadaa u furay xisbiyada waxaaso dhibaata ah u keenay, ka dib markii jeelka lagu taxaabay maalintaad xisbiga samaaysatay?haduu Dictator yahayna xisbi kuuma fureen ee sidii riyaalu jeelka ku dhigi lahaa, waa ninka adiga gaboose ahaan godobta ugu galay inuu furo 18ka xisbi si aad Gaboose ahaan xaqaaqa u hesho,waana nasiib daro inaad adigu hadana maanta isagoo taas kuu galay aad dictator ku sheegtid.
Silaanyo waa ninkii isagoo 350 cod doorashadii madaxweeynaha ku helay lagu yidhi inta lagu shubtay 80 cod ayaa lagaaga helay, runtii ma aragtay mase maqashay isagaoo Tvga soo hor fadhiistay oo sidaada ummada qaaylo iyo dhiilo ku kicinayaa??Jawaabta adaan kuu daayay. Dr Moaxamed waxaan ku leeyahay runtii kama duwanid Gabaygii, Ninkii Abaal laawaha ahaa lagu yidhi waxba yaanu xeerkaay i marin xoolana isiine xaashee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab. Aqoonso oo maskaxdaadaa ka keen ninka waxan oo godoba loo galay ee xisbiyadan loo furay aad ahaayd in maskaxdaada laga saaro xadhigii,xumaantii iyo dhibtii aad urrurkii qaran ka soo martay, maantana waxaa kugu haboona Saxiib hadii ummaadu ku dooran weeyday inaad dadka iyo Silaanyaba hambalyaaysaaa ee aanad Dhiilo iyo foodo dalka gudihiisa ka kicin. Cida ku dooran weeydyna malaha waay kaa khaldantee waa shacabka reer somaliland maaha Silaanyo iyo daawladiisa Dee qanac oo magacaaga u badbaadi wakhtiga soo socda.
salaamad
Jama Ali Musa/Uk
jamaalimusa@hotmail.com
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
