Xaflad Aad U Balaadhan Oo Loo Samaeeyay Lodkii Ugu Horeeyay Ee Jaamacad Golis Berbera Ka Qalin-Jabiya iyo Xasuusaha Ku Duugnaa.
Berbera(OWN)-Waxaa Saaka Lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada BerberaXaflaad aad u balaadhan oo ay ku qalin
jabiyeen Ardaydii ugu badnayd ee Berbera Jaamacad uga Soo baxdaa kuwaas oo ka Baxay Jaamacada GOLIS Berbera,
Tiradooduna ay ka koobnayd 91Arday.
Xafladan Oo Ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka kala duwan ee
Gobolka Saaxil, Gudoomiyaha Gobolka Saxil Cali Maxamed Cilmi, ku Xigeenkiisa Khadar Cali Cilmi, Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxauud Xasan (Cidin), Maareeyaha Dekada Berbera Cali Cumar Maxamed, (Cali Xoor Xor),
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Dr, Cismaan Cabdi Rooble (Shiine), Maareeyaha Wakaalada Xooga
Korontada iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha.
waxa Kale oo iyana Xafladan Qalin Jabinta ah ka soo qayb Galay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed(Ciirro), iyo Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Gudoomiyaha Jaamacada GOLIS, Gudoomiyayaasha Jaamacadaha Camuud, iyo Hargaysa, Waalidinn, iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.
Xafladan oo ahayd mid aad ugu mudan Dadweynaha Reer Berbera, Maadama oo ay tahay Markii ugu horaysay ee Arday tiradan leegi ay Jaamacad uga soo baxaan,ayaa waxaa halkaa hadalo kala duwan ka soo jeediyey,
Inta badan Masuuliyintii ka soo qayb gashay Xafladan, iyada oo uu Gudoomiyaha Jaamacda Golis Berbera Xil Eng Naasir Xaaji Cali Shire, uu ka waramay kana Warbixiye Taariikhdii iyo Caqabadahii soo maray intii ay Jirtay Jaamacada Golis qaybteeda
Berbera, Eng Naasir waxaana uu halkaa ugu mahad celiyey, dhamaan Cidii kasta oo kala qayb qaadatay dhaqaajinta Jaamacada
Golis Berbera.
Waxaana uu qiray in ay Dadaal Badan u galeen Maamul ahaan, Arday ahaan iyo Gobol ahaanba dhaqaajinta Jaamacada.
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo isnaa halkaa ka hadlay ayaa aad ugu hanbalyeyay dhamaan
ardaydan ka qalinjabisay Jaamacada Golis, waxaana uu balanqaaday in ay Maamul ahaan si wanaagsan ula shaqayn
doonaa Jaamacada, wixii itaalkooda ah.
Maayarka Degmada Berbera Cabdishakur Cidin ayaa qiray in ay Maanta Berbera Guul u tahay, intaas oo arday oo Jaamacad uga soo baxday, waxaana uu dhinaciisa xusay in ay wixii suurta gal ah Shaqaale ahaan uga qaadan doonaan Ardayda qalin Jabisay.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Xaaji Cali Shire oo isna Munaaisbadan hadal kooban kajeediyey, ayaa waxa uu halkaa ugu Duceeyey Waalindiintii iyo Macalimiintii Ardaydan wax soo baray isaga oo kula dardaarmay in ay, Halkaa Aqoontooda ka sii wadaan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soamliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga WADANI, Cabddiraxmaan (Ciro), oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu marka hore u Hanbalyeeyay Ardayda Qalin jabisay waxaana uu ka sheekeeyay, Taariikhdii dhinaca waxbarshada ee uu yarantiisii ku lahaa Berbera, waxa kale oo uu Hoosta ka xariiqay in baahanyahay in la xaliyo Xaraftii ay ka tagtay Doorashadii dhawaan Dalka ka dhacday, isla markaana lagu Xaliyo dhinaca Dhaqanka oo aynu ku soo caano Maalnay.
Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa isna dhinaciisa Ardayda, Waalidiinta iyo Maamulka Jaamacada Golis ku Hanbalyeeyey Guusha ay Maanta Berbera u horseedeen, waxaana uu sidoo kale ka sheekeeyay Waxbarashada iyo Hrumarka ay leedahay, isaga oo intaa ku daray in Xukuumada Somaliland iyo Salaadiinta Dalka looga fadhiyo in ay Xaliyan Khilaafaadka ka Abuurmay Doorashadii Dalka ka dhacday dhawaan, waxaana uu hadalkiisa ku soo koobay in Nabadgalyada Ilaalinteeda Meel looga soo wada Jeedo.
Cabdirashiid Maxamed X. Yusuf, oo isna ka mida Ardayda Qalinjabisay kana Tirsan Xildhibaanada Cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Berbera, ayaaa dhinaciisa Hanbalyo Taas la mida u diray Ardayda ay wada qalin jabiyeen iyo Cidkasta oo ka qayb qaadatay in ay Maanta qaataan Shahaadada Digriida.
Xafladan ayaa waxaa Gunaanadkii Shahaadooyin lagu gudoonsiyey Ardaydii Dhamaystay Jaamacada iyo Shakhsiyaad la Sheegay in ay Jaamacada Si wanaagsan ula shaqeeyeen.
Waxaa iyaguna Munaasibadan Khudbado ka soo jeediyey Gudoomiyaayasha Jaamacadaha Camuud iyo Hargaysa oo ay Mataano yihin Jamaacada Golis
Khadar Jaamac Xaashi.
Oodweynenews,Berbera


