XAL DEGDEG AH OO NOQON KARA, KA BADBAADIN DILDILAAC KU YIMAADA MIDNIMADA QARANKA.
Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan umadda reer somaliland, waxaan ugu hanbalyeynayaa doorkii ay intooda badani uga qayb qaateen, ugu dadaaleen, ugu dhabar adaygeen, xil iska saareen, gudashada waajibkoodii wadaninimo ee doorashooyinkii ka qabsoomay dalka, kuwii wax dooranayey, musharaxiintii, xisbiyadii, iyo hawl wadeenada qaranka intooda badaniba.
Ka dib waxaa fikir aan isleeyahay waxay xal degdeg ah u noqon kartaa, ka badbaadinta kala qaybsanaan ku timaada midnimada qaranka, oo shiqaaqadii ka dhacday hargeysa oo fidaa dhaliso, halkan u marinayaa qaybaha hogaanka qaranka ee kala duwan, ee aan isleeyahay way ku hawlan yihiin xal u helida shiqaaqadan, oo ay ka mid yihiin, salldiinta, labada gole, sadexda xisbi qaran, xukuumada, iyo wax garadka bulshadaba.
Fikirkan xalka u muuqdaa ma khuseeyo ururka xaqsoor iyo hogaankiisatoona, oo aan aaminsanahay in ay sababeen gef xun oo aan loo baahnayn oo ku dhacay qaranka, kuna naf waayeen muwadiniin qaali inugu ah oo aan waxba galabsan, waxa la ogaa mar horena in mid kaas la mid ah in ay ka sababi gaadheen aaga selel. laakiin wuxuu ku wajahan yahay muwadiniinta ka soo jeeda koonfurta hargeysa iyo bali gubadle, ee rasaasta sida arxandarada ah ugaga dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen, iyagoon hubeysneyn, oo la odhan karo, waxay tirsanayeen oo calooshooda ku jirtay in badan, tabashooyin ku wajahan qaranka, oo ku saabsanaa qayb ka helida, munaasiibta sarsare iyo hogaaminta qaranka oo aan lagu qadarin in ay ka mid noqdaan aqoonyahanada jecel ka qayb qaadashada hawlaha qaranka ee ka soo jeeda aagaas.taas oo uu ogaa xassan ciise ugana faa’iidaystay arimo khuseeya ururkiisa xaqsoor.
Hadaba waxaan aaminsanahay, in qaraxan sida fulkaanaha is qabsaday mar qudha, aanu ku koobnayn kala reebidii ururada oo qudha, ee uu ka yimi tabashooyin isbiirsaday oo hore ay u tirsanayeen.
Bali gubadle waxay ahayd saldhigii hogaankii xoreynta, dadkeedana waxa la ogaa sida sharafta leh ee ay u guteen waajibkii ka saarnaa umadda intaa leeg ee iskugu timi, hadaba muwadiniinteedu way istaahilaan, mansab iyo toban mansab oo ka mida hogaankaba in la siiyo si loo qanciyo. waxay si mug leh uga qayb qaateen xoreyntii, dib u dhiskii dalka iyo midnimadii qaranka, oo ay ahaayeen udub dhexaadka isku haya umadda.
Hadaba iniga oo ka duulaaya, sidii xukuumadu mar horeba ugu xaawishey bixinta mansabka wasiirka, si xal loogu raadsho, shiqaaqada aaga buuhoodle, waxaan u soo jeedinayaa wax garadka ku hawlan xalin dhacdadan, in aqoonyahanka muxtarimka ah, ee xildhibaan cabdulqaadir ismaaciil jirde loo hawl galo sidii looga dhigi lahaa gudoomiyaha baarlamaanka somaliland, oo la odhan karo waa nin khibrad u leh mansabkaas, gaadhsiin karana in uu u shaqeeyo sida umaddu ka rajeyneyso. dhinaca kalena daawo u noqon karta, dhacdadan aan dhamaanteen rajeyneyno in ay dhakhso u dhamaato, oo aanay wax yeelin isku duubnidii qaranka,
QORE; ABDI ARRALE.
arrale2011@hotmail.com
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
