|

Xarunta Komishanka Ceerigaabo Oo Habeenkii Labaad Murashaxiin Cabanaya iyo Taageerayaashoodu Sanaadduuqda In La Raro Hortaagan yihiin iyo Hawlwadeennada Komishanka Ceerigaabo Oo Hargeysa U Ambabbaxay.

Ceerigaabo(OWN) Kaddib habeennimadii xalayto markii komishanku isku dayeen sanaadduuqda doorashada ee degmada Ceerigaabo in Gawaadhi loogu raro dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa haseyeeshee kacdoon ka dhashay cabashada murashaxiin iyo mas’uuliyiinta urur-siyaasadeedyada qaarkood oo iyagu saluugsan natiijada kumeel-gaadhka ahayd ee arrintaas komishanku kasoo saareen iyo weliba dacwado ay maxkamadda gobolka Sanaag u gudbiyeen oo waxba looga qaban waayey oo iyagoo rasaas u adeegsadey ay qaadista sanaadduuqdaas is hor taageen, ayaa waxa habeenkii labaad galay in weli sidii la isu hor fadhiyo.

 

Waxa iyaguna goobtaas aan kamaqnayn ciidammada nabadgelyada oo sugaya ammaanka goobtan iyo sanaadduuqdaas.

 

Waxa sidoo kale iyaguna maanta dhinaca Hargeysa uga ambabaxay hawl-wadeennada (Guddoomiyaha & Xoghayaha) komishanka degmada Ceerigaabo halka horena uu Hargeysa ugusii sugnaa guddoomiyaha komishanka ee gobolka Sanaag.

 

Sikastaba ha ahaatee xaaladda sanaadduuqdan ayaa ah mid cakiran oo haddii aan dib loo tirin sababi karta kacdoon dadweyne iyo arrimo nabadgelyada wax u dhimi kara, waxana dhegaha dadweynaha/taageerayaasha iyo murashaxiintan iyo weliba mas’uuliyiinta urur-siyaasadeedyadan cabanaya kusoo dhacaya dhawaaqa sheegaya in komishanku dib u tirinayaan codadka meelo ka mid ah gobollada Somaliland taasoo rajadeeduna aanay meesha ka madhnayn.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo Office.

 

COMMENTS