XUKUUMADDII SIILAANYO OO KU GUUL DARRAYSATAY CADDAALADDII ……….By: Ahmed Yoonis A/Rahman
Shaki kuma jiro in shicibka Somaliland ku niyaayiroonayeen inay kala kulmaan Xukuumadda Maanta dalka ka talisa horu mar ku salaysan caddaalad iyo sinnaan laga wada hir geliyo Dalaka goboladiisa oo dhan. Waxaan hees ku maqlai jirey “BEESHU WAY HARRAADDAY”, heestaas oo ahayd mid Xisbiga Kulmiye Ololihiisii iyo Kaambaynkiisii doorashadii Madaxtooyada ku daadihin jirey. Markii dadka qaarkiis maqleen heesta beeshu “HARRAADANTAHAY”, waxaa si weyn isu soo taray shaki weyn oo laga muujiyey weedhaha iyo guubaabada heestanu daarantahay. In kastoo wax ma garatadu u qaadatay in heestaasu ka tarjumayso shicibka Somaliland oo u harraadan horu mar, caddaalad iyo sinnaan, haddana waxaa markiiba wax garadku u arkay in Xisbiga Kulmiye u harraadanyahay musuqmaasuq iyo wax is daba marin uu ku aafeeyo habsami u socodkii dawladnimo ee lagu daadihinayey hannaankii Dimuqraadiyeed ee lagu soo caana maalay.
Xukuumadda Somaliland ayaa maantaa u muuqata mid cagta saartay waddadii uu la maray Keli taliskii Mohamed Siyaad Barre Dalkii la isku oran jirey Somalia, taasna waxaa kuu caddeeynaya sida ay uga hawl gashay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee shicibak Somalialand ku niyaayiroonayeen inay dalka si caddaalad ah uga qabsoonto.
Habdhaqanadii foosha xumaa ee ay xukuumaddu kaga qayb gashay Golayaasha Deegaanka waxaa ka mid ahaa:
1- In Xukuumaddanu wada sheegatay Mashaariicdii iyo Deeqihii Daahir Rayaale dhamaystirkooda lahaa ee markaas diyaarka ahaa ee ay ka mid ahaayeen tii Dalka Imaaraadku bixiyey (BISHA CAS), looguna tala galay inay dalka gebi ahaantiisaba biyo ka soo saaraan.
2- Waxaa kaloo ka mid ahaa Mashaariicda diyaarka ahaa tii Dawaladda Kuwait ku bixisay Garoomada Diyaaradaha ee lacagteedu dhammayd Toban Milyan oo Doolarka Maraykanka ah (US$ 10,000,000.00)
3- Bishii ugu dambaysey ee Kaambaynka doorashooyinku socodey, Xukuumadda Siilaanyo waxay xadhiga ka wada jartay mashaariicdii shicibku iska kaashaday ee laga hirgeliyey gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood iyo dhagax dhig cusub oo lagu majara habaabinayey shicibka.
4- Xukuumadda Siilaanyo waxay kaloo indha sarcaad ka dhigeysey gobolo aan wax xidhiidh ahi dhex marin sidii looga soo doortay. Indha sarcaadkaas oo ah inay cidlooyin soo dhagax dhigaan iyagoo ku beer laxawsanaya shicibka si ay doorashada ugu soo jiitaan.
5- Waxay Xukuumaddu adeegsatey dhammaanba Hay’adihii Distooriga ahaa, sida labada Gole (Baarlamanka iyo Guurtida), iyadoo lacag fara badan lagu hawl gelinayey qaar ka mid ah.
6- Dadka Lacagta lagu hawl gelinayey ayaa waxaa ka mid ahaa; Madax dhaqameedyada qaarkood, Odayaasha qaarkood iyo dhammaanba qof kasta oo ay u arkaysey inay shicibka dhexdooda ixtiraam ku leeyihiin.
7- Waxaa kaloo la yaab lahaa iyo yaa-yaqsi inay lacag fara badan dumar ku hawl geliyaan, iyadoo dumarkaasu si fool xun wax ugu maamuli jireen.
8- Waxaa ka hawl galay Musuq maasuqii Doorashooyinka Deegaanada dhammaanba wasiirada Xukuumadda iyagoo goob kasta la dul joogey lacag ay ku iibsadaan codadka iyo inay wax is daba mariyaan.
9- Fool xumadaas waxaa ku weheliyey Guddoomiyayaasha Gobolada iyo Agaasimayaasha Guud iyo kuwa waaxeedba, iyadoo mid kastana loo xanbaariyey lacagtii qasnadda qaranka ku jirtey.
10- Marka laga reebo lacagta dadka laga ururiyey, waxaa la filayaa lacagta qasnadda Dawladda laga saaray inay dhantahay ilaa toban milyan oo Doolarka Maraykanka ah (US$ 10,000.000.00)
11- Waxa kaloo lacagtaas xaddi dhaaftay bar bar socdey ballanqaadyo dadka loogu ballan qaadayey in shaqooyin iyo manaasiib laga siin doono Xukuumadda Siilaanyo marka doorashadu dhammaato.
12-Lacagtaas la qaybinayey iyo ballanqaadyadaasu waxay suurta geliyeen sidii foosha xumayd ee Xukuumaddu boobka iyo ku shubashada uga hirgelisey darafyada Dalka oo dhan (min saylac ilaa Sanaag barigiisa)
13-Waxaa kaloo arrin lala yaabo ahayd in Xukuumaddu URURADA qaarkood si dadban kaambaynka doorashooyinka ula waddey, iyadoo ay jireen inay lacag ku bixisay sidii loogu codayn lahaa URURADAAS gaarka ah. Arrintan ayaa loo hayaa caddaymo iyo markhaatiyo sidii ay u dhacday iyo wasiiraddii ka qay galay iyo sifihii ay kaga hawl galeen
14-Waxay Xukuumaddu awooddeeda saartay sidii aay saaxadda siyaasadeed uga bixi lahaayeen URURADA qaarkood, taas oo kalliftay meelaha qaarkood sanaaduuqdu kala hadho, isla markaasna meelaha qaarkood tirintii codadka ay dib u dhac weyni ku yimid si loogu fuliyo wax is daba marin iyo boob xeeladayssan.
Isku soo wada xoori; Xukuumadda Siilaanyo ayaa muddoba wax u qabadkii Qaranka ku beddeshey kuna hawllanayd bilihii dambeba sidii ay musuqmaasuq ugaga midha dhalin lahayd iyo xeeshii ay ku soo saari lahayd URURKA KULMIYE iyo URURO kale oo khaas ah, iyadoo Xukuumaddu Xafiisyadii Dawaladda ugu adeegsatey xafiisyo loogu shaqeeyo URURKA KULMIYE iyo kuwaas khaaska ah
Waa Billaahi Towfiiq.
Ahmed Yoonis A/Rahman
Hargeisa
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
