XUSKA 40 GUURAADA QORAALKA FARSOOMAALIDA
Xuska 40 guuraada farsoomaalida ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti (Jamhuuriyadda Jabuuti) 17 ka ilaa 22 ka bishan Disambar ee 2012 ka.
Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda dhulka Soomaalidu degto ee geeska Afrika, kuwaas oo kala ah :-
Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socda
Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.
Xafladda furitaanka oo uu guddoomin doono, haddii Alla yidhaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa lagu daahfuri doonaa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka
Soomaaliga laga qoro. Qaamuuskan oo uu hindisihiisa iyo maalgelintiisaba lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar waxa wadajir u diyaariyey Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinleyda iyo
Hal’abuurka Soomaaliyeed ee loo yaqaan “Somali-speaking PEN Club”.
Maalmaha xusku socdo, waxa kale oo jiri doona buugaag cusub oo iyagana halkaa lagu gardaadinayo.
Intaa waxa dheer oo barbar soconaya bandhig-buugaaneed ballaadhan.
Aqoonyahannada ka soo qaybgelaya xuska 40 guuraada farsoomaalida ayaa iyaguna yeelan doona dood-cilmiyeedyo ku saabsan sidii Afsoomaaliga iyo fartiisa loo qabyo tiri lahaa. Doodahaasi waxay ka
dhici doonaan qolka shirarka ee Jaamacadda Jabuuti. Waxa kale oo jiri doona caweys-suuganeed ka dhici doona isla Jaamacadda Jabuuti oo ay soo bandhigayaan Abwaannada iyo hal’abuurka Soomaaliyeed ee la martiqaaday.
Xuska 40guuraada Farsoomaalida ee Jabuuti martigelisay waxa ka soo qaybgelaya Barafasoorro, qoreyaal iyo hal’abuurro Soomaali iyo shisheeye ba ka kooban oo ay ka mid yihiin : Pr. Cabdalla
Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise, Xuseen Sheekh Axmad “Kadare”, Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin ”Dhoodaan”, Xasan “Ganey”, Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.
