Qaybtii 1aad: Safarkii Mahadhada Lahaa
Waa arooryo hore oo ay sii kala Sahay qaadanayaan Qoraxda iyo Daxayu, Hada ayuunbuu shaacu soo , waa wakhti aad dirqi ku kala garan karto Geedka iyo Ruuxa, waayo habeenkaasi waxa uu ahaa Gudcur 15aad ah, Goorsheegtu qiyaas ahaan waa ilaa 3:40 Am Habeenimo.
Wakhtigan waxa aan kasii baxayaa Gurigaya oo kuyaal Hargaysa gaar ahaan xaafada Xidigta waxa an usii xadhko xidhanayaa Goob miyi ah waxaanaan rabaa inaan gaadhiga oo aan anigu wade ka ahay aan cagaha u saaro jidka taga magaalada Berbera, waxaanse wadada kaga baydhayaa Tuulada Abdaal oon uuga kacayo Koonfur Quman. Waxa Kalahaadan iigu wacan waxtiga oo ah gu’ Horaantii iyo dhulka oo biyuhu Qul-qulayaan roobkuna uu da’ayey bishii u danbaysayba si aan u dhaafo ifika maalin nimo goobaha dhiidhiga ah.
Markii aan jidka cagaha saarnay waxaanu isla duleedka Magaalda Hargaysa Nala Bilaabmay Shaaca arooryaad, Iyo dulka Oo markaasi Giriin aha Oo isha qabayaa ay u xiisayso, waxaanu laamayda sii soconaba waxaanu gaadhnay Tuulada Abdaal halkaasi oo aanu kaga leexanay Jidka laamayda ah isla markaana aanu cagta saarnay Waddo raf ah, wadada waxa ay leedacay Carro caabo dheer (taga u dhexeeya Labada taayir ee gaadhiga) oo maabuurka yari uu gaadhayo.Jidkani waa jid aan jiilaalkii oo dhan la marin hase ahaatee ay daashadeen oo qodeen baabuurta waa weyn ee iyagu dhuxusha kasoo gurra miyiga.
Waa Dul Jilaalkii oo dhan hadba meeshii Caws leh Xoolaha loo Haybiyo ama loo rarro , waxa dishooday raadka xoolaha, waa Dul bus iyo habaas badan hasa yeeshee bishii u danbaysay roobabku ku laxaad sadeen , Bishan oo ah Guyaad Horaanteed ayaa reerguuraga dhulkani dagani mid walba dib uugu soo laabtay halkii uu hore uuga hayaamay Jiilaalkii, Geediga iyo Sahanka ayaa habaqle ah, waa deegaan jeesas yar yar mooyee aan dad sidaa usii badaniba daganayn wakhtigan, hadana Qallo ah .
Gadiidkaa Deegaankan u baxaa waa laba qad,(Labadii Habeenba Mar ayuu yimaadaa) Dadkuna Goobaha tuulayaasha ah kaliya waxa ay Yimaadaan habeenka uu gaadhiga rakaabka ihi Magaalada ka imanayo oo kaliya, Waxaana ay soo doontaan qaadka oo uu gaadhigaasi tuulada keeno, waa dad aan daawlad waxba u ogayn waa deegaan markaasi uun barwaaqo iyo gu horaantii galay xooluhuna ay badidooda maqashu Waabka uugu jirto .
Waa deegaan ninkii doob ahaa hada uun bilaabay inuu noqdo guurmeer una sahan taggo ooridii uu la hoy gali lahaa . sidaa si lamida ayaa iyagana hablihii gashaan timaha ahaa ay iyaguna u bilaabeen Cays gur iyo Alaabaysi.
Waxaan hadba Galli, Kayn, Ay Iyo banano Doogu milikhyahay oo ay isa simen Dareemada, Rista, Gargoor, Tima Hawenlaha, Garagarada iyo warabta ama faraqa Geeduhu sii dhex qaadaba , (Noocyada Cawska) waxaan Dukur ku dhawaad kii ku nastay Tuullo ka Dhisan Jaajuur Dhoobo ah, Tiirar iyo Sarab. Waxay aan intii aanaan guda galin Tuuladan Duleedka ku soo dhaafay Halo aan ku Qiyaasay inay Shalay oo kale Dhaleen oo Nirgahooda dul jooga iyagoo daaqayey goob tigaad badan nirguuhuna jiifeen goob risa,
Qore: Wariye Jamaal Cabdi Muxumed
Lasoco………………………………………

