Abb iyo ubad (Sheeko gaaban), By: Mustafe Ali Wadad
Abb iyo Ubad (Sheeko gaaban)
Waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago sheeko kooban oo dhawaan aan la kulmay. Waxay ahayd bacda duhur anoo meherad xidhan horteed kursi dhigtay. Waa meel inta badan aan fadhiisto inta u dhaxaysa duhurka iyo qadada. Inta aan halkaa ku suganahay waxaa I soo mara sheekooyin kala cajiibsan. Run ahaantiina qaarkood waxay mudan yihiin in qalinka lagu duugo. Mararka qaar wixii iga yaabiya sawir ayaan ka qaadaa si dadka aan halkaa igula sugnayn aay iila wadaagaan muqaalka markaa I hor yaala.
Sheekada aan maanta halkan ku soo bandhigi doono waan uga tudhay in aan muqaal ka qaado, waxaanse isku dayi doonaa bal in aan tijaabiyo sidii aan macne qoraal ugu micnayn lahaa waxaan anigu muqaal ahaan u arkay. Shakhsiyaadka aay ka hadlayso arintu maaha kuwa aan wax ka waydiiyey xaaladooda dhabta, waxaanse anigu ka sheekayn doonaa siday wax u dhaceen.
Nin aan da’diisa ku qiyaasay dhexdhexaadka afartaneeyaha iyo wiil yar oo ilaa 7 jir ah oo uu watay. Waxaa uu soo abaaray halkii aan fadhiyey isagoo wiilka yarna gacanta haya. Umaan fiirsan dhinaca uu igaga yimi waxaan uun ku war helay isagoo I dul taagan. Male ahaan waxaan is idhi wiilka isagaa dhalay. Anoo yaaban oo leh maxaa ninka ku dul tagaay ayuu isagoo farta dhulka ku fiiqaya yidhi “adeer halkaas ayaan barkin bidayaaye, maad iiga baydhi” Yaab iyo amakaag ayaan qaaday waxaan fahmi waayey barkimada dhulka taala ee aanaan arkayn. Sidaan idiin sheegay waa bacda duhur amaba bacda qado, oo xilligaas dadka badankiisu way yara casar seexdaan. Si markaa aay uga nastaan howl maalmeedka aay ku guda jiraan.
Meesha aanu ku suganahay waxaa iyana ka baayac mushtaraysta laba wiil oo haysta Keeryoone-dukaan. Aqoon gaar ah uma lihi ee iyana howshooda ayey meesha ka wataan. Waa wiilal is caawiyoo oo aay ka dhaxayso wadashaqayn wanaagsan. Wiilashii mid ka mid ah oo arkay in aan fahmi waayey ujeedada ninka odayga uu ka leeyahay booska aan fadhiyo, ayaa isagoo iigu yeedha magac aan kayga ahayn yidhi ” walaal hebelow odayga uga soo durug halkaa aad fadhido”
Waxaan markaa u kuur galay si aan u ogaado waxa galay kursiga hoostiisa iyo macdanta ku jirta. Waxaan fadhiyaa ag fadhiyaa dhowr kaabadood oo yar-yar isla markaana kala hooseeya. Daarta aanu markaa horfadhinaana waa mid laamiga eegaysa oo agagaarkeeduna simxad badan tahay. Waxaa dhinacyada kuwada haya meherado aan xilligan oo kale la xidhin oo aad u mashquul ah. Meheradase aaanu hor fadhino waa meel la xidhay oo aan xilligan furnayn. Ta ugu howsha badan oo nagu xigta waxaa lagu sameeyaa laguna casriyeeyaa bahasha imika magaalada haysata ee TIGTA loo yaqaano. Tigtu waa gaadhi yar oo sadex taayirle ah. Waxay qaadaa lix qof marka lagu daro dareewalka. Waa mooto la farsameeyey isla markaana laga dhigay sidii gaadhi oo kale. Iyadoo aan wali ujeedadu ii cadayn ayaan si aan wax ku kala ogaado waxaan go’aansaday in sidii la ii sheegay aan kursiga meel kale la tago. Waxaan aad uu xiisanayaa waxa laga yeeli doono booskaan fadhiyey. Xoogay dareen ahna wuu igala siday aay wax u dhici doonaan.
Ninka odayga ah markaa wuxuu gacanta ku sitaa sijaayad iyo shaadh aan ahayn kuu gashan yahay ee mid dheeraad ah. Halkii aan ka kacay ayuu ninkii odyaga ahaa wuxuu dhigtay sijaayadii, taas oo markaa ka hooseysa kaabacdii uu farta ku fiiqayey. Meeshuu uu sijaayada dhigtay ayuu jiifsaday, kaabadiina wuxuu ka dhigtay barkin. Wiilkii yaraana wuxuu iska xigsiiyey dhinaca gidaarka xiga oo wuxuu ku yidhi seexo.
Arintu waxay ku biyashubatay sidaan moodayey, markii aan wax kala gartay xaajadiina noqotay wixii madaxayga ka guuxayey. Anoo markaa u arkayey in ninka odayga ahi uu meel wado ah seexday ayaan itaal-baaska is idhi talo u soo jeedi. Waxaan ku idhi ” Adeer dhinacan yara baydhsan maad jiifsatid” Wuxuu iigu jawaabay isagoo eegaya TIGTA taala dhinacaa aan tilmaamayey ayuu yidhi ” adeer iga daa bahashaa yar baa mar dhow la istaadhayaa ee” Waxan markaa is idhi wuxuu uga baqay in isaga iyo wiilkiisa yar aay TIGTU wax yeelayso. Waana arin wax laga fahmi karo oo meesha ku jirta. Ta kale ee ii cadaatay waxaa weeye in odaygu meesha uu maalin walba casar jiifsado, waayo waatuu lahaa wiilkii Keeryoon dukaanka haystay lahaa odayga meesha uga baydh.
Waxaa markii uu jiifsaday halkaan fadhiyey uu sidii go madaxa iska saaray shaadhkii uu sitay. Kiisii yaraana kaabadii hoos buu uga dhacay oo wuxuu barkaday kabo sandhal ah oo uu xidhnaa. In yar kadib ayuu yarkii hore u seexan waayey oo aad u galgashay. Wuxuu markaa dhowr jeer ku yidhi seexo, seexo. Inta badana caruurtu maba jecla in aay seexdaan bacda qadada. Wiilkii haystay keeryoonalaha ayaa arkay in aan yarku hurdo u jeedin, dabeed wuxuu odaygu ku yidhi ” adeer hayska ciyaaree maad iska dayside, ileen seexan kari maayee” Wuxuu ugu jawaabay ” mar hadii uu caafimaad qabo wuu iska seexan doonaa” In yar ka bacdi halkoodii ayey hurdada wada galeen. Waxaadna moodaa in aay bogcadan nabad gelyo bideen. Maadama dad dhowr ahi ku suganyihiin dhaqdhaqaaqna uu ka socdo.
Lama garan karo duruufta ku kaliftay in aay meel wado ah seexdaan. Ta aniga iga yaabisayna waxay ahayd, qofka ka maarmi waayey halkaan fadhiyey. In aan markaa uga kaco, waa waxa ugu yar ee aan u qaban karayey. Si aan wax uga sii ogaado xaaladiisa dhabta ah, iimay suurtoobin maadama uu hurdo galay ninkii odayga ahaa. Guntii iyo gababadii sheekadu intaas ayey ku eegtahay.
Dhammaad
Mustafe Ali Wadad
—————————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
