Alla Madaxweyne Beesheenu Caddaalad XumaaBy: Aqoonyahan Jiir
Xukuumada madaxweyne siilaanyo oo fishilantay hogaamnita dalka iyada oo mudadii ay talada dalka haysay ay xoogaysay Qabyaaladii Beelihii Somaliland ee walaalaha ahaa oo ay kala dhex dhigtay naxli xumaan iyo is necbaysi isla markaana talaab kasta oo ay qaadaan ay ku fashilaman hawl kasta oo ay is yidhaahdaan qabta hadaba dadkani ma waxay doorteen madaxweyne siilaanyo mise dadkale oo aan la garanahayn .
Hadaba xukuumada siilaanyo iyo komishanka doorashooyinka oo isku kaashaday burburinta dalka qabrigana ka soo saaray qab yaaladii dhimatay ayaa dalka galiyey jahawareer khalkhal mugdii iyo dhibaato xoogan oo aan dalku ka soo kaban Karin qaar kood.
Aniga Ahaan Aqoonyahan Jiir Waxaan ku talin lahaa in maxkamada la soo taago xubanaha komishanka doorashooyinka islamarkaana xilka laga qaado dhamaantood.
Hadaba Gudoomoiyaha golaha guurtida oo isagu ka mid ah masuulyiinta ku fashilmay in uu si xaqiiq ah uga hadlo dhamaan wixii dalka ka dhacay kana gaabsaday in uu si faahfaahsan uga hadlo doorashooyinkii dhacay hadaba Salebaan Ma Wuxuu Xeerinayaa Xeerkii Gar.Adag.
Dhinaca Kale aqooniyahan jiir waxaa uu iftiimieyey in aan beesha Habar jeclo Isku heli Karin xilalka ugu sareeeya dalka Sida Madaxweyanaha Wasirka Madaxtooyada Wasirka Macdanta Wasirka Duulista Guddomiyah Guurtida .
Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir
Hargaysa Somaliland
—————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
