“Anigu Waxaan Ahay Wasiir Madaxweynaha Hoos Taga Xirsi-Na Wax Khilaaf Ahi Nagama Dhexeeyaan….” Wasiir Kayse Cabdi Yuusuf
Hargeysa (OWN) Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa ka hadlay warar sheegayey inuu dareen ka dhashay socdaal uu in muddo ah ugu maqanyahay deegaanka Widhwidh oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanuu sheegay Wasiiru Dawluhu inuu halkaasi u joogo shaqada uu qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland u igmaday, isaga oo wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya inay isku dheceen Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiir Kayse Cabdi Yuusuf oo isaga oo jooga Degmada Widhwidh ee uu safarka shaqo ugu kicitimay khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay sababta keentay inuu si kedis ah ugu boxo deegaankaasi ay tahay Kooxdii khaatumo oo u soo wareegtay deegaanka Buuhoodle, isla markaana doonaya inay halkaasi ka abuuraan falal amni darro ah iyo Shir ay Beesha uu ka soo jeedaa yeelanaysay uu u deg degay.
Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko Xilka uu hayo, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Socdaalkii aan ku joogay deegaanka Widhwidh oo aan muddo Laba sanno ah ka maqanaa oo aanan ku soo noqon sidii uu ugu dhamaaday shirkii ka dhacay muddo laba sanno ah ka hor, waxaanan u imid inaan dalka iyo deegaanka soo booqdo, iyo inaan nabadda kala qayb qaato iyo shir Todobaadkii hore noogu soo geba geboobay Tuulada Balli-caad la yidhaahdo oo ah deegaanka Widhidh, kaas oo ay garaadka beesha aan ka soo jeedo ee Barkad Garaad Abshir Saalax, Cuqaasha beesha, waxgaradkeeda iyo Qurba jooguba ay iskugu yimaadeen, kaas oo lagaga tashanayey deegaanka iyo xaaladihiisa si aan uga qayb galo oo aan dorrkiisa u siiyo oo aan ugu kuur galo xaaladaha kala duwan ee deegaanka ayaan u tegay deegaanka, ilaa hadana meel wanaagsan ayuu I marayaa arimaha socdaalkaygii”
Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga Somaliland Kayse Cabdi Yuusuf oo aanu wax ka waydinay waxyaaba ka soo baxay shirka ay beeshiisu yeelatay ee uu ka qayb galay waxa uu yidhi “Shirkaas waxa ka soo baxay in horta nabaddu tan tahay, oo waxa la ogyahay in qoladi khaatumo ay u soo wareegeen deegaanka Buuhoodle, markaa si aanay ciidamo Somaliland ku duullaan ahi deegaanka aanay ug soo noqon oo nabadda la ilaaliyo oo ciddii deegaanka iyo nabadda Widhwidh carqaladaynaysa laga hor tago, ayaa sal u ahayd shirkaas beeshu yeelatay”
Wasiir Kayse Cabdi Yuusuf oo ka jawaabayey Su’aal ahayd warar ay warbaahinta qaar qoreen oo sheegayey inuu dareen badani ka dhashay socdaalkiisa oo lala xidhiidhinayo inuu cadho ku tegay, isla markaana ay isku dheceen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu yidhi “Haddii la leeyahay socdaalku degdeg ayuu ahaa way jirtaa oo shirkaas Beesha iyo ninkaas Madaxda ka ah Khaatumo oo deegaanka soo galay, ayaan ku soo deg degay inaan soo gaadho, aniguna Wasiru Dawle ahaan waxaan hoos tagaa Madaxweynaha Somaliland, markaa Madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada waxaanu ku kala nimid ogaansho ah inaan tegayo deegaanka, wax dhib ah oo noo dhexeeya aniga (Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Bariga Kayse Cabdi Yuusuf) iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan-na ma jirto, wax aan wada shaqayn ahayn, haddii la yidhi way is dileen oo gacan ka hadal ayaa dhex maray, waxaan leeyahay adeer waxba kama jiraan arintaas, waayo Xirsi waa Wasiirka Madaxtooyada, anigu Wasiir Madaxtooyada ka tirsan ayaan ahay, waxaanu nahay laba Wasiir oo Saaxiib ah oo wada shaqayn leh, wax dhib ah oo hadda jira oo noo dhexeeyaana ma jiro, waxaan u malaynayaa waxa arintaas wadaa inay yihiin dad warxumo tashil ah oo doonaya inay nabadda carqaladeeyaan oo raba inay gobolada kala qaad qaadaan oo ay dadka kala geyeysiiyaan, waxaanan jecelahay in cidda waxaas qoraysa laga daba tago oo waajibkooda sharci la mariyo, si aan Umadda tafaraaruq iyo khal khal gelin loogu samaynin, waxaanan u malaynayaa in hadalladii wakhtigii doorashada la soo dhex geliyey xataa Wasiirada dhexdooda, markaa arintaas waxba kama jiraan wax dhib ah oo aan ogahayna ma jirto inta aan ka war qabo”
Wasiiru Dawlahha Nabadynta Gobolada Bariga Kayse Cabdi Yuusuf oo hadalkiisa si watay waxa uu intaas ku daray “Mar haddii uu Madaxweynihii Khaatumo soo galay Buuhoodle oo uu ku suganyahay oo uu Siyaasad iyo waxyaabo kale wato, Xukuumadda iyo Wasiiradu way ku khasbanyihiin inay tagaan oo ay Dadkooda iyo deegaankooda amaankooda sugaan oo ay wixii khal khal gelinaya ay ka hor tagaan ayaa waajib ah aadna waan ugu faraxsanahay inaan deegaanka arintaas u imaaddo inta aan sii joogana waan dhamaystirayaa waxyaabaha ii hadhsan, Cidamadii qarankuna waxay joogaan deegaanka oo waxay joogaan meesha aan kalsoonida uga dhex hadlayo oo Widhwidh ah, markaa haddii aanay joogin imayba suura gasheen inaan halkan joogo oo ciidankaygii ayaa kalsoonidaas I siiyey inaan ka dhex hadlo deegaanka, haddii kale waxaas la wado ee la qorayo ayaa ayaa dhib keeni lahayd, markaa Cidankii deegaankan ayey joogaan oo iyaga ayaa sabab u ah inaan hawlahaas oo dhan qabto”
Kayse Cabdi Yuusuf oo aanu waydinay sababta hortaagan in Wasaarad uu u soo shaqo tago kana rawoxo aanay ilaa hadda jirin, waxa uu ku jawaabay “Horta dadka iyo Siyaasiguba ninba si ayuu xilka u yaqaanaaye, anigu waxaan xil u aqaanaa ta qaranku iiga baahdo ee Madaxweynuhu ii garto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland-na isaga ayaa ii gartay inaan noqdo Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bariga, inaan Goboladaas uu ii igmaday iyo hawshaas uu ii diray ku fillaadana sharaf ayey ii tahay, waanan ku kalsoonahay, haddana waxaan joogaaba Goboladii la I diray oo aan ka wado hawlihii la ii magacaabay, haatanna wax aan Madaxweynaha kaga cabanayo oo aan leeyahay Wasiiru Dawle dooni maayee Wasiir Maaliyadeed ha la ii dhiibo, taasi ma aha wax damiirkaygu I siinayo, haddii ay jiraan dad ku gurgurtamana, anigu waxaan leeyahay waxaan ahay dadka yidhaahda xilka aan qaban karo ii qaran ii arko uun ii dhiiba, waxaan u arkaa in Xilka la ii dhiibayna uu yahay mid aan ku farax sanahay oo igu aaddan, wakhtiganna shaqadii ayuunbaan wadaa, waxaan soo laabanayaa wakhtiga shaqada aan deegaanka ka hayaa ii soo dhamaato ama Madaxweynuhu ii yeedho ayaan soo laabanayaa”
Oodweynenews.com,Hargeysa Office
