Ansixita Xeerka Sirdoonka Iyo Saameyntiisa Oo Durba Hargeysa Laga Dareemey.
Sida muuqata ansixinta xeerka sirdoonku wuxuu caqad ku yahey amaanka qaranka somalilnad, sababta oo ah marka dadka la iska xidh xidho sabab la aan arintaasi waxey keeni doontaa in qofkuu lagu xad gudbo ee sabab la aan la isaga xidhey uu isna aar goosi sameeyo.
Waxaa xaqiiq in umad badan lagu xidh xidho sabab la aan iyo hebel baa kusoo sheegey uun taasina waa caqabad iyo mushkilad, hadaba sirdoonka somalilnad waxaan odhan lahaa iska hubiya dadka aad soo xidheysaan iska hubiya dadka warka idiin keenaya.
Waa wax fiican in amniga la ilaaliyo laakiin sirdoonku yaanu noqon mid isagu amaanka khal khal galiya qofkii sabab la aan lagu soo xidhey cidii soo xidhey ee soo jaajuustey wuu helayaa waxaana dhaceysa cidii beenta ka sheegtey ee soo jaajuustey inuu ka aar goosto taasina waxey keeni doontaa in shaqsi shaqsi la isu ugaadhsado ayey keeni doontaa
Markaa dowladu haka feejignaato dhibaatada ay keeni karaan sirdoonka umada sida macno darada ah isaga xidh xidhayaa
by Cabdi Naasir
Helesnki Finlad
___________________________________________
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
