|

Askartii Ku Geeriyootay Shilkii Ka Dhashay Baabuurta Isku Dhacday Oo Maanta Hargeysa Lagu Aasay Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Qayb-galay +SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Askartiiku dhimatay shilkii ka dhashay baabuurta isku dhacay ee bariga magaalada Hargeysa  ayaa maanta waxa lagu aasay  xabaalaha Naas-hablood ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa saaka ka qayb galay aas qaran loo sameeyey askartii ku dhimatay shillkii baabuur ee ka dhacay hargeysa iyo berbera dhexdooda shalay meel wax yar uun u jirta

Caasimada Hargeysa gaar ahaan Haleeya agteeda aaskan oo ka dhacay Xabaalaha naaso hablood ee caasimada hargeysa ayaa ahaa mid qaran oo ay ka qayb galeeen taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaran Somaliland Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuiryada SOmaliland, wasiirada Xukuumada, Golayaasha qaranka iyo bulshada reer somaliland .

 

Oodweynenews.com,Hargey sa Office

COMMENTS