Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Saldhiga Ciidanka Booliska Ee Degmada Sheekh +SAWIRO
Sheekh(OWN)-Badhasaabka Gobolka Saaxil, iCali Maxamed Cilmi, ayaa Maanta Si Rasmiya Xadhiga Uga Jaray Saldhigii Ciidanka Booliska Ee Degmada Sheekh, Gudoomiyaha oo ay wehelinayeen Maayarka Degmada Sheekh Ibraahin Cabdilaahi Cabsiiye, iyo Ku Xigeenkiisa Cabdi Cartan X Abokor, Xildhibanada Golaha Deegaanka ee Degmada Sheekh, iyo Engineerka Shirkada Cusbitalka Dhistay,Cuqaal iyo Odayaal tiro Badan.
Saldhiga Degmada Sheekh, oo iskaa wax u qabso lagu Dhisay Sanadii 1973, isla markaana uu dayac Xoogani Mubada ka muuqday, ayaa waxaa si Gaara u Bixiyey Qarashka lagu dayac tiray Wasiirka Wasaarada Airmaha Gudaha Somaliland, Md Maxamed Nuur Carraale,(Duur), ka dib markii sida uu Sheegay Enjinerka Maxamed Haybe, la tusay Sawirada Saldhiga Oo Dayacan.
Xafladii Xadhiga Lagaga Jarayey Saldhiga Sheekh, ayaa waxaa ugu Horayn ka hadlay Enjineerka Shirkada—waxaana uu halkaa Amaan iyo Mahadnaq Balaadhan uga soo jeediyey Wasiirka Wasaarada Airmaha Gudaha Somaliland, Md Maxamed Nuur Carraale,(Duur), oo uu Sheegay markii uu arkay Qaar kamida Sawirada Saldhiga oo aad u dayacan, ayuu la yaabay, isagaana iskii u Dhisay Saldhiga, maantana wad aragataan Quruxdiisa.
Maayar Ku Xigeenka Degmada Sheekh Cabdi Cartan X Abokor, ayaa isagu ka waramay Taariikhdii Salldhiga Sheekh, waxana uu Sheegay In Sanadkii 1973kii, si Iskaa wax u qabsa ah lagu dhisay Saldhiga, ilaa 1988kiina aan wax dayactir ah Lagu Samayn, waxaana uu halkaa Mahadnaq balaadhan Uga Soo jeediyey, Wasiirka Wasaarada Airmaha Gudaha Somaliland, Md Maxamed Nuur Carraale,(Duur), oo uu sheegay in uu qabtay Wax loo Baahnaa, Maamul Degmo ahaana ay Dhinacooda Illaalin doonaan, wixii Marba uu u baahdo.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi, oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ku amaanay, Wasiirka Wasaarada Airmaha Gudaha Somaliland, Md Maxamed Nuur Carraale,(Duur), sida Qiimaha leh ee uu Dibu Habaynta Qiimahan leeg ugu Sameeyay Saldhiga Ciidanka Booliska Ee Degmada Sheekh, waxaana uu Dhinaciisa Balanqaaday in ay Laba Qol oo kuwa Dumarka ah Ku Kordhin doonaan Dhawaan, Isla markaana ay Dayrka Denbe kor u Qaadi Doonan.
Taliyaha Ciidanka Saldhiga Shekh, ayaa isna Dhinaciisa u Mahadnaqay Wasiirka, waxaana uu ka waramay Dhibaatada markii hore ka haysatay Saldhiga, isagoo sidoo kaelana, Gudoomiyaha Gobolka Saxil, iyo Maamulka Degmada uga Waramay Baahiyaha Xiligan Saldhigu u baahanyahay, kale, Sida Qalabka Xafiiskyada la dhigi(Furniture), waxaana uu halkaa ka amaanay Shirkada iyadu sida Qiimaha iyo Hagar la’aanta u dhistay Saldhiga.
Khadar Jaamac Xaaashi.
Oodweynenews, Sheekh
Taliyaha








