Bander Caasi By: Cabdalle Sahal
Aynu ku yar nasano sugaanta iyo raggii hore ragna waa ragii hore waxaan filaya hadduu maanta noolaan laha waana denbiye (Istaqfurallah) abwaankii M Nuur Fadal gabaygaa uu Abwaan Salaan Carrabay ugu hiilinayo inuu maantana Siilaanyo ugu hiilin lahaa iyagoo waa Salaan iyo Siilaanyo isku ardaa ka soo wada jeeda druufuhuna isu eeg yihiin dhinac kastoo loo eego sida waayeelnimada waxgaradnimada iyo dadka xaasidnimadiisa u quudhi waaga ah een magaalo raggii joogey waxba aanu isu qirayn sheekadii Nairobi ka dhacdy sabankaa fogna waa tane akhris wanaagsan.
Bender-caasi
Abwaankii weynaa ee Salaan Maxamed oo loo yaqaanney Salaan Carrabey oo ahaa nin meesha uu joogo isaga la hor mariyo, ayaa booqasho Nairobi ku tegay isag oo ka soo kicitimay Somaliland. Muddo markii uu joogay oo la isla gartay in jilib-jilib loo sooryeeyo ninkaas weyn ilaah ba weyne ee dalka yimi, ayaa markii ay soo gaadhay xilligii ay sooryeyn laahaayeen jilibada mid ka mida ahi laga war helay inay doonayaan inuu nin afaray tirin jiray u gabyo Salaan oo xilligaa xaaladiisa dhaqaale hoosayso. Waxa la yidhi markii Maxamed Nuur Fadal oo markaa joogey Thika loo geeyey warkii, wuu rumaysan waayay isagoo ay ku adkaatay inuu garato ninka Salaan Carrabay afka ku kala qaadi kara ee reerkaas ka tirsani. Ugu dambayntii markii loo sheegay ninka la doonayo inuu Salaan u gabyo ka uu yahay, Maxd isla markiiba wuxuu u soo dhaqaaqay dhinaca Nairobi, wuxuuna toos u tagay mefrishkii Salaan looga yeedhay, wuxuuna halkaa ka tiriyey gabayga la baxay Bender-Caasi. Waxa la sheegay markii gabayga uu dhameeyey inuu Salaan ka kaxeeyey goobtii una sheegay in ninka la sheegayaa uu yahay nin aan u dhigmin oo beyd gaab ah. Isaga oo ku hal-qabsanya nin la yidhaahdo Ina Bidaar, wuxuu tixdan ku ceebaynayaa caasinnimada iyo xiqdiga. Wuxuu difaacayaa kaalinta hormoodnimo ee Salaan Carrabey. Wuxuu tilmaamay in magaalooyinka ay ku badan yihiin dad wax kasta oo iska cad ka hor imnaya oo xaasidaya..
Wuxuu yidhi Maxamed:
Haddii gabay Billado leeyahay, iyo baarri lagu faano Baxsanow Ina Carrabey baa habeen, kaa Ilaah baraye Isagaba dar shalay soo baxay, beretensiiyeene Bender caasi baa loogu go’ay, Ina Bidaarowe Berrinna ha la aasee nin raga, baqaski waa ceebe
Nabadey: Cabdalle Sahal
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
