|

Boqarada Wadanka Holland, Mr Beatrix Ayaa Sheegtay In Ay Xilka Boqortinimada Soddonka Bisha Afraad Ku Wareejin Doonto, Wiilkeeda Amiir Willem-Alexander.

Holland:(OWN) Boqorada wadanka Holland Mrs Beatrix oo mudo ku siman laba iyo soddon sanadood haysay mansabka boqortooyada dalka Holland. Waxay caawa toddobadii Fiidnimo ee wakhtiga dalka Holland, shaaca ka qaaday in ay xilka boqortinimo ku wareejin doonto wiilkeeda Prince Willem-Alexander.

Boqorada ayaa sheegtay in ay xilka si rasmi ah uga degi doonto soddonka abril ee sanadkan. Soddonka Abril waa maalin ugu suntan wadanka Netherland maalinta boqortooyada, waana maalin si weyn looga xuso wadanka Netherland. Amiirka lagu wareejin doono xilka boqortinimada, ayaa ah Aabe dhalay saddex hablood oo ay u dhashay Princess Maxima oo ah haweenay asal ahaan ka soo jeeda wadanka Arjantiin.

Oodweynenews.com/Netherland.

COMMENTS