CASHARADII AN KA BARTEY DOORASHADA DEEGAANKA EE SOMALILAND QAYBTII 4 AAD, By: Axmed-wali Xiis Cabdi ( Ducaysane )
SALAAN ayaa iydhi Idhageyta sheekan idiinka sheekeynayaa.
Taariikhdu Markey ahayd 24/10/2012 ayaa waxa ii yimid aniga oo fadhiya Marfish weyn oo qaadka Madhabka ah lagu iibiyo nin suudh Madaw xidhan oo aan qaraabo nahay, laakinse ah kulmiye. Wuu ii yeedhey . Dabdeed waan u soo kacay aniga oo bilaa shaadh ah . Markan u imid ayuu igu yiri “waar niyaw dib u noqo oo shadhkaga soo xidho hawl adag ayaan kuu wadaaye.”
Cajiib !! inta aan yaabey ayan is iri war manta ninkii aad isku reerka ahaydeen ee hunguriga waynaa muxuu wadaaa talaw !! .
Igawallee Markiiba Maankeygii waxa uu isiiyey in hawl dan ugu jirto mooyee hawl kaleh in anuu ii wadin. Intaan dhaqaaqey ayan si deg deg ah usoo qaatey qaadkii aan cunaayey iyo shaadhkii .
Ninkii wan is raacney wuxuu igeeyey HOTEL qurux badan . waxa uu iga codsadey Arimo dhawr ah:-
1- In aan xil-dhibaanimo isku soo sharaxo , walibana KULMIYE iska soo sharaxo
2- In KULMIYE iyo XUKUUMADU iisiineyso lacagbadan .
3- Wuxu igu yiri waar Isa soo sharax , hana ka biqin dhaqaale,taageero iyo wax kaste oo aad u bahantey waa OK , waxanan ka soo dhameyey Madaxtooyada Somaliland iyaganaa iikaasoo direy oo waxad ka mid ahayd dadkii aan ugu talo galney in aan soo sharaxno
Intan yaabey ayan ku iri waar horta Ma ogtey in anan aqoon badan lahayn hadan ahay SALLAAN, oo aan ahay nin iska eryada mijintiisa qaadkaaa meelahaas .
Takaleh Ma ogtey in dadka ladoortaa laga filaayo in dadkii soo doortey ay k sugayaan wax qabad dhab ah oo muuqda. Inader markaa sidey suuro gal utahay in leydoorto aniga oo jaahil ah .
Inta uu igu qosley ayuu iri waar “SALLAANAW ma ogtey in dadkii aqoontalahaa ay qaateen Ururada kaleh . In Xisbiga Kulmiyena doonaayo cid isku sharaxda oo qudha dana ka lahayn qof aqoon leh iyo qof kalehba.Kuna darsoo SALLAANAW saxiib qorshaha dawlada dhexe waxa weeye in aan dadka lacag ku waalno , sanaaduuqda boono, warqado aan soo dabacano doorashada lagu codeeyo.”
Wallee yaab Arintu Markey halkaas mareysey ayaan ku iri waan aqbaley lakinse Saxiib ma ogtey in aan isku deegaan nahay , deegankeenana Dayacaadbadan ka muuqato . Sidaas daradeed loobahanyey dad dhibataaas deeganka ka dul qaada .
Inta uu igu qosley ayuu yiri “waar deegaanka dhibta haystaa maxay ahayd? . Maaney Soomaliland oo dhan inala mid ahayn SALLAANAW hawarwarin, Hana walaacin saxiib.” Aniga oo ah Ducaysane iyo Xildhiban SAABIR waxan la wareerney sheekadan qorsheysneyd ee Xukumadu qorshe cad oo boob ah kalahayn doorashada ka hore hadana ay TV yada ka lahayd doorashadu si cadalad ah haw dhacdo . yaabka yaabkisa !!!!!!!.
Lasoco qaybaha danbe ……………………
Axmed-wali Xiis Cabdi ( Ducaysane )
Dhaashane1@gmail.com / nasiib_12@hotmail.com Faceboog: Ducaysnae Hiis Abdi
