|

Ciyaaryahan Lionel Messi oo markii 4aad ku guulaystay abaalmarinta FIFA Ballon d’Or

Zurich(OWN)- Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa  wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda 4 mar oo isku xigta ku guuleystay abaalmarinta Ballons d’Or, wuxuuna jabiyay record-kii ay dhigeen dhowr ciyaaryahan oo uu ka mid yahay ninka hadda madaxa ka ah Uefa ee  Michel Platini.

 

Lionel Messi  oo  25 jir ah ayaa wuxuu sanadkii  2012  dhaliyay 91 gool ayaa kaga guuleystay abaalmarintaan ninka ay isku kooxda yihiin ee Andres Iniesta iyo wiilka Real Madrid u ciyaara ee Ronaldo.

 

Sidaasi oo ay tahay goolashaasi tirada badan kooxdiisa Catalan uguma suuragalin in ay ku guuleystaan horyaalka Spanish league iyo Champions League sanadkii tagay.

 

Messi  ayaa la ku guuleystay FIFA Ballon d’Or markii uu helay 41.60% codadkii la bixiyay, halka Cristiano Ronaldo uu ka helay 23.68% iyo Andrés Iniesta oo helay 10.91%.

 

Vicente del Bosque ayaa qaatay FIFA World Coach of the Year markii uu helay 34.51% cod ,  halka José Mourinho, uu ka helay 20.49%, macalinkii hore ee FC Barcelona Pep Guardiola, ayaa isagana helay 12.91%.

 

Goolkii ugu fiicnaa sanadkii tagay waxa la siiyay weeraryahanka Slovakian Miroslav Stoch.

 

Abaalmarintaan cid qaadaneysa waxaa go’aankeeda leh oo codeeya wariyayaasha kubadda cagta adduunka, macalimiinta iyo captain-ada.

Oodweynenews.com/ News Desk

 

COMMENTS