|

Dalkii Hooyo waxaan kusoo arkey xumaan iyo samaan. By: Sacad Ina Kaarshe cade

Assalamu aleykum, Salaan dhammaan bahda warbaahinta iyo sida hufan ee aad u soo bandhigtaan xogwarranada iyo dhacdooyinka.

Ma ahayn markii ugu horreysey ee aan tagey Dalka Hooyo ee Soomaaliland, hase yeeshee waxaan kusoo arkey arrimo is wada diidaya oo iska soo hor-jeeda. Taasina waxaan usoo qorayaa si aan wax uga baddelno ee aan ahayn dhaliilid ama Mucaarridnimo.

Waxaan kusoo arkey waddooyin wada burburey laga soo bilaabo markey diyaaradu Berbera nala caga dhigatey ilaa Hargeysa waxaad arkeysaa wadooyinka oo ama go’an oo aan la mari karin, lagana baydhayo ama god iyo boholo ah haddana Baabuurto socodka ma dayso! Eesh qiyaaska.

Waxaan soo arkey Dad wada faraxsan oo qoslaya, dhibaato iyo duruuf dhaqaalo la’aanina aaney ka muuqan sidey u baddashaan ama isu qurxiyaana la moodoo wada Maareeye, haddana jeebaddoodu madhan tahay.

Waxaan soo arkey Masaajida Magaalooyinka oo wada buuxa oo Musaliintu ku badan yihiin, haddana waxay Salaadu reebeysey aan ku dhaqmeyn sidey u badan yihiin, taas oo iska hor imaneysa.

Waxaan soo arkey Wadaado wada shaqeysanaya oo subax ilaa habeyn tafa-xaydan, maba xumee oo shaqada waaba la amaaneye, dacwaddii Diinta iyo Waajibkii faritaanka ku iloobey badankoodu nolol maalmeedka iyo sidey u soo saari lahaayeen.

Waxaan soo arkey Taraafikada oo ku dhex wareersan Baabuurta ka badan, markey fooda is wada daraan ee dariiq la maro la waayana dadku qaarkood baabuuta ka dagaan oo iyagu kala hagaan, halka uu Shaqaalihii wadadu ku mashquulo shaxaad iyo daaqad uu kusii jeedo in wax looga dhiibo.

Shaqaale aan  Mushaharku ku fileyn  ama aan ku xisaabtamin dakhligooda Bishii ee ka ay ku foogan yihiin ka maalintii lagu helo shaxaadka iyo Noo dhiibta, shaqadooduna ay noqotey kii dhiiba in loo shaqeeyo, kii kalese lasoo celceliyo, weliba Aakhir yowmka aan la qaban shaqo la taaban karo.

Shaqaale kale oo 7-8 saacadood shaqeeya sharraf iyo wanaagna Bulshada ku dhex leh, kuwaas oo iyagu waxay dadka taraan mooyee waxba ku helin is dhaafin, kuwaasina waa shaqaalaha Shirkadaha Khaaska ah ee Dadweynuhu isk aleeyihiin.

Dawladdii loo direy Danta guud oo shaqadeedii Shirkadaha khaaska ahi qabtaan, iyaduna isku mashquulsan ee aan Danta guud wax badan ka qaban, intii ay qaban lahaydna aan ka muuqan, ha noqoto Dhaqtarada- Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, khaasatan Iskuulada hoose, dhexe Sare, iyo Wadooyinka , Jid marista iyo nadaam xumada ka taagan, hase yeeshee kasoo dhalaashey Arrimaha Aminiga oo Nabadgelyada ka jirtaa aanad maleyn karahaynin waabey dadaaleen.

Adeegyada aan Macaashka iyo Mushtarka gelin oo laga dhigtey bartilmaameed baayac mushtar, sida Wax-barashada iyo Caafimaadka oo Dhqatar kastaa ku xisaabtamayo inta qof ee Tigidhka loo jarey (mid kastaana lacag bixinayo weliba ta adag), dawada oo danbas iyo Kiniin saddexsaddex u liq bac lagaaga buuxinayo, iyo weliba arrimo kale oo kasii fool xun, sida daawada dhacdey, ta danbaska ah ee daqiiqda moodid, ta beenta ah ee waddan aan soo sameyn layskaga qorey, kaba sii darana dhaqtar aan dhaqtraba ahayn, talow xagee u danbeysa, yaase ka Mas’uul ah xaajadaasi.

Tujaarta oo sii lacageysanaysa iyo Danyartii oo sii abaadeysa, weliba aan isba ogeyn, midna dibiro iyo dhereg la seexan waayey oo CocaCola ku dibiro degsanaya, iyo kii kale oo aan Dab dheriga saaran.

Kaba sii darane kuwa dhaqaalaha loogu soo dhiibo oo ama ku daneysanaya si khaas ah ama inta ay isku dhaw yihiin uun ku Naas nuujinaya, oo talow ma Xoolo ayagu soo shaqaysteenbaa mise waa loogu soo dhiibey, haddii laysu dhabo galo ama Xisaabtan meesha yimaadana Ammaano darroda meeshaasi ka jirta aan cidba wax loo dhiibteen, hase yeeshee barnaamijka Maskiin kalkaalka ee xaafaduhu ka fiican yihiin.

Qurbo-joog jago doon ah ama Balwad iyo xumaan wadanka u soo waarida oo gabdhihii yaryaraa ka baxsan waayeen, fasahaadka ay wadaana lacag iyo Doolar ku faafinaya,w axaabad moodaa iney Israel joogaan oo ay Cadow la dagaalamayaan xaga akhlaaq xumada, hadda dhammaantood ma wada sheegin, oo qaar kalaa badan oo wanaaga iyo waxsoosaar ku foogan, qolqoljooga ayaase intooda badan gadhwadeen u ah oo xumaanta qaadan og, kuna foogan fadhateysi dadban. Qaarkood ayaaba cidiyo goosad iyo murugo Qurbaha uugu soo laabta, kaley xiise iyo farxad ku noqon lahaayeen.

Dalkii oo waxaan soo akey Daarihiisa aad Dubei moodid, Jaamacadaha iyo dhaqaalaha yaalana aanad maleyn inaad Afrika joogtid, hase yeeshee Dadweynuhu khaas u leeyihiin, Dawladduna korka ka ilaaliso Ammaanka iyo ilaalada guud, oo iyadu daaro ma dhisan kartoo kuweediiba wey iibisee dadka iska noolada kula dardaaratey.

Alla Ammaanta Dawladnimadu fiicanaa haddii aan been iyo lagu mucaaradeyn, markaad Wasiiradeenu sidey u baddalan yihiin aragto, waxay ka shaqeyn la‘ yihiina ay daneystayaasha noqdeen, haddii dhibta iyo xasarada laga dayn lahaana oo taageero iyo tusaaleyn loo mari lahaana ay ku midho dhalin lahayd, waase Xukuumad iyaduba meesha Mucaaridnimo ku qabsatey, xammilaay!!

Aakhrikii Dalkii hooyo aad ayuu u tabaaleysan yahay marka Mustaqbalka iyo odoraskiisa la galana waxba looma hayo aan ahayn maanta iska noolaada, Da’yarta soo korreysana looma sameyn Qorshe fiican oo ay wax kula soo bixi karaan, hase yeeshee waxa laga yabaa iney innaga nasiib fiicnaadaan.

 

Sacad Ina Kaarshe cade

Subaan99@yahoo.de

 —————————————————–

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

 

COMMENTS