|

derajadii ciidamaduna timiye maxay odhan goosan kii bukay ee shacabka somaliland ku dhexjiray…By: abdirashid osman

dhamaan waxaan salaamayaa bahda saxaafada qaybaheeda kala duwan iyo dehamaan shaqaalaha ka howlgala mudanayaal iyo marwooyinba,si gaara waxaan u xusayaa websitesk oodweynenews,somalilandtoday,somalilandorg,caynabanews.
marka hore waxaan hambalyeynayaa dhamaan shacabka somaliland munaasabada sanadka cusub ee 2013 ilaahayna waxaan uga rajaynayaa kii khayr iyo ictiraaf aynu ku gaadhno.
waxaa aan laysku khilaafsanayn in xukuumada somaliland ee maanta wadanka ka talisaa ee xisbiga kulmiye gadhwadeenkana ka yahay mudane axmed maxamed siilanyo ,inay dhinacyao badan wax badan ka qabatay qofkii caqliga saliimka ah lihina aanu indhaha ka lalinkarin aan ahayn inta bugta ee wanaagu dhibo iyo waxqabadku kuwaas oo marwalba indhahoodu qabtaan marba inta qabyada ah ama inoo dhiman iyo dhacdooyinka yaryar ee aan aduunka meelwaloo xukuumad iyo shacab ba ka jiraan aan laga waayin .
goosankaa buka ee shacabka ku dhexjiraa ma waayaan marmarsiinyo xataa haday u mariwaydo si qaawan inay u dafiraan waxqabadkaa ,waxay ku tilmaamaan dhaliilna had iyo jeer la hortaagan saxaafada iyo miidhiyaha,bal qaar ay isticmaalaan kelmado ka baxsan anshaxa guud yagoo isla wanaagsan markaa yagu.
inbadan baa laga hadlay waxqabadka xukuumadan qabyana waa jirtaa aanay waxba ka hagranayn se ay wakhtigeeda iyo dhaqaalaheeda la sugayso,doorashadii dhacday waxay ahayd balanqaadyadii ay ku olalaynaysay markii la tartamayey waanay fulisay,taas oo aan hadana la dafirikarin in ay dhibaatooyin badan keentay asbaabo badan awgeed halkana aanay maqaam keeda ahayn in aan ku xuso.
hadaba ta aan maanta si kooban uga hadlayaa waa derajadii ciidamada qaybaheeda kala duwan oo dhawaan maalmaha soo socda lagu dhawaaqayo laguna tirinayo derejadaa ciidamada,tas oo inh badan la sugayey waana balanqaadyadii ugu waawaynaa ee xisbiga kulmiye.
hadaba goosanka bukow tana ma indhahaydun ka qarsan oo waxaydun odhan taasi horumar maaha sidii caadada idiin ahayd.waxaan uun odhanlahaa muutuu biqaydikum..
xukuumadanina dedaalka ay ugu jirto horumarka iyo waxqabadka bulshada joojinmayso intii taagteeda ahna way soo rogmanaysaa,,waxaa xusid mudan oo akhristow idiin sheegayaa bal waxaa ila eegtaan inta maqaal ka qortay miisaaniyada korodhay iyo sida hanaanka le ee uu wasiir samaale golaha baarlamaanka u qanciye si aad u fudud lana ansixiyey miisaaniyadaa,halka ay buun buuninayaan abwaan faashila oo sida telefoonka lagu shubto afkaar aanu aaminsanayn caruur uu dhali karo.
gabagabadii waxaan leeyahay somaliland goosankaa yar u joojin mayso mucaaradaduna maaha hadal uun ee waa ficil iyo toosin aan anshaxa mucaaradada ka baxsanayn.
somaliland guul,shacab iyo xukuumadba.
allaa mahadlle,,,,,,,
                                                                                  abdirashid osman
                                                                           abdirashidsmn@yahoo.com
                                                                                      dubai
                                                                               00971506972985

—————————————————-

Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

COMMENTS