FAALLO: BAD-MACAANSHAA BUNDUQ NOO DHALAY!
Waxkhtiggii Madax-weyne daahir Riyaalle Kaahin iyo Sheekh Axmed Yaasiin wax kasta iska caadi bay ahaayeen, in kaste oo gawsuhu ay xoog u shaqayn jireen, aduun-kana waa lala dhamqmi jiray, dadku wa iska noolaa, nabad ina daan weyne bay ahayd, dan-yartana waxooggaa baa loo tuur-tuuri jiray, Cumaamadan geed walba saaran hadda ( waa saldadda’e) sidan way ka qarsoonayd, dalka in xuduudda la soo xidho bay in yara u jirtay, oo wax sidaasa ahi kama hadhsanayn. Reer hebel iyo reer hebel baa shaqaaluhu u badan yahay may jirin, ee waa la iska ceeshaayey, Abaarta-na Sheekh Axmed Yaasiin baa roob-doon noo akhriyi jiray, oo illaahna waa naga saari jiray, kursi doona wuu qaylin jiray oo wuxu lahaa tallaw yaa mar canka kuu buuxiya, sidda Madax-weynaha Axmed Maxamed ( bad macaanshe), Raggii ma adigaa ka hadhay ( askari derderan, ina Biixi baad ugu yeedhaan malaha’e), kuwaas oo ku baaqi jiray abaar dambe arki maysaan oo biyaha badda baan malab ku daraynaa si ay u macaanaadaan, oo jana fardawsa baad dabaalan doontaan.
Aaan akhristaw sheeko yar kuu gallo oo somalidu ay ku tilmaanto, marka waxay filayeen ee loo sheegi jiray ay jir-jir-cadka iska rogaan, taas oo ah, waxa la yidhi beriggii hore aduunka muu jirin xayawaanka la yidhaaho libaaxu, ee samadda buu ku noolaan jiray,habeenkii marku dhulka hoos u soo eego oo ku arko waxa nafle marma-raaya ( Dad iyo Xawayaan-ba) oo intaba uu ka xoog weyn yahay, buu ciil la ciyi jiray, isaga oo odhan jiray meeshan gaajo baa kugu dishaye, yaa mar uun ku geeya dhulkaa baad ka dhergi lahayde, dabeed habaeen-habeenadda ka mid ah, baa bahalkii libaax la odhan jiray, oo raxan uu u awoow yahay uga heesayaan maalintii uu dhashay ( birthday-giisii), bay Somalidu ka maqashay cirka, dabeed way baryeen oo waxay yidhaaheen ( afkay ku wadda hadleen adiga baan kuu daayey ee sheeg akhristaw), noo soo deg aad noo heesteene, wuxu yidhi labaaxii, iska kay daaya aan la joogo ubadaka aan u ahay awoowga’e, ima jeclaan doon-taane, somaliddii way diiday, oo waxay khasab kaga dhigeen, in ay dhulka meel ka siin doonaan uu kulla noolaado, meeshii illaah wax ka wado, dameero baa weyllo dhala, lo’ina dameero bay dhalaane, waa ta la soo dejiyey, ee intii ugu horaysay ee soo dhaweynta loo qaybiyey, markuu cirka ka soo dego libaaxu qolkii ( waa madax-tooyadda’e) loogu talo gallay in uu ku noolaado, markii la isugu tegay uu alobaabka hoosta uga soo xidhay, ee uu ka sameeyey kal-ramiimi, in jifta iyo in joogta, qaar siddii sayruuq ku dhacay ka baxay derbiggii, iyo in madaxa gamcaa saartay, oo tidhi bahalkii sawdka wacnaa ee aan cirka ka dhegaysan jirnay ma kanaa? wixii maqalayna firxadkii la la yahay, oo midaba meel ak dhacay, qaarna isku qabsadeen adaa noogu ye4edhay iyo adiga baa ii keenay, oo qoriga bay isu qaateen, laba maanta uurka isga fayoobi ma jiraan, libaaxii loo yeedhay wuxu moqday Bad-macaanshe’e ( Siilaanyo) bal intan kooban ee hoose illa akhriya:-
Bad-macaanshe ( waa Axmed Siilaanyo’e), kursiggii ku fadhiisay, baddii milix bay isu rogtay, oo malabkii cirkaa baa laga eegay, nasiib darona waxa uu macaaneeyey Rasaatii oo dalkii meel walba xabad baa ka qiiqaysa, dalkii iyo dadkii is haystay ( waa dardaarankii Riyaalle’e), nabadda ahaa, doora-shooyinkii billaa cabashadda ahaa, musq iyo maasaqa, is daba marin kollba mid laga qaado la yidhi adaa hellay hadana mid kalle, fara-gelin toosa ah oo annaa awoodda haysta ee khasab kaan doono an ku saaro, askar jibaysan, markii ugu horaysay ee la sameeyey Wasiirka Qabyaaladda, duulista hawadda, iyo is xayey-siinta ( Cusaama ninka la yidhaaho ee Ina cabdi xaashi madax ka yahay), Cabdhinta Saxaafaddii uu u dagaalami jirtay, oo uu yidhi mar hadaan ku soo baxay, afka jebi yaanay wax kaa sheegine, waxa la yaab leh 8ddii sano ee uu haystay Mudane Madax weyne Riyaalle, waxa ka xidhis batay laba sanadood oo uu haysaty Bad-Macaanshe ( Siilaanyo), xoolihii masaakiinta oo afka loo dhigtay, kuwii cunayna la yidhi yaan al sheegin, qaar loo xidh-xidhay, hadana la sii daayey, wakaalad qurba-joog oo habeenka keegga loo baahdo xaflad 3 ka yimi Birmingham (U.K) lagu casuumo Hotel Al-Mansuur! afka oo boodh la marsado, saqdda-dhexe oo la soo hambaaburo, oo la yidhaaho dheragw hadal, oo siddii odayggii Reer Burco ee la odhan jiray Kidaarw maxaa kuu Uray? ee Uf-taas uun hayey,, nabaddii oo ceel lagu riday, halkana kollba dadka al tuso wado daamur lagu shubay, iyo kamarad garoonka lagu xidhay, dadkii Urradda furtay oo la kalla doortay, lalana soo baxay intii la rabay, bal hadaba,bahalkii cirka looga baaqay iyo kii u baaqay maxaa kalla haysta?
Waxan ku soo xidhay maqaalkan qiso yar oo beri ka dhacaday burco waana tan :- Islaan baa wadaad salaadda hore ka adimi jiray masaajid u dhaw gurigeedda, baa waxay jeclaatay codkiisa, markaas bay intaan oogta waaberi kicin, bay u sootoosi jirtay, siday u dhegaysato sheekaa codkii Maxamed saleebaan tubeec iyo Magool, la isugu daray cod-kooddii, markaa baa marka uu ku dhufto Allaahu-akbarta, baa waxay odhan jirtay ” Eesh-callaa Mu’adin “. Maalin-maalmaha ka mid ah, bay isu taagtay meel ku dhaw Masaajidkii si ay u aragto sheekhan Maxaed Werdiggii Suudaan ka sawdka wacan, waxay sugto-ba goor dambe buu keliggii ka soo baaxy masjidkii, oo ay ku tidhi, adeer sheekhii adimaayey ma adigaa, wadaadkii wuxu yihdi Subxaana-laahuye ” Haa waa aniga’e maxaad u doonaysay” waxay tidhi mudo 8 sano ah baan xanuunsa-naayey, ee waxan doonayaa in aad Cashar ii dhigtid, la is raac oo markii guriggii la tegay, buu yidhi waa sidee xanuun-kaagu? waxay tidhi sheekhaw garan-maayo aniguye adaa yaqaane waa la igu dhan yahay! dabeed wuxu yidhi sheekhii mar haddii lagugu dhan yahay, dawadaadu waa in cunaha lagugu dhego! sheekh dee i dawee baan ku idhiye, iiga sii dar kuma odhan bay tidhi! wuxu yidhi nin aanad aqoon u lahayn in uu ku daawyn karo iyo in uu kaaga sii daryo, baad cirka uga yeedhataye, anigu dawo am aqaan, ee sidda wax loo burburiyo, loona dillo ayuun baa illaah i baray, taas uun baan adna kuu qabanayaa, ilaayn kuma aan odhan ii yeedho’e! inantii halkii baa wadaadkii ugu dhameeyey, hawba yeedhan lahaydee!
Waa sheekaadda bad-macaanshe loogu yeedhay ee uu inoo dhameeyey.
* N.B Wax badso, wax beella way leedahay!
Abdi-Shotaly,
Oodweynenews.com
