|

Fanaaniinta Ciimdanka Asluubta Ee Samo-talis Oo Bandhig Wacyi-gelin Ah Hargeysa Ku Qabtay + SAWIRO

Hargeysa (OWN)- Fanaaniinta ciidanka Asluubta ee samo-talis oo hoostaga ciidanka Asluubta ayaa  bandhig sugaaneed iskugu jira mada daalo iyo wacyi-gelin ku qabtay xarunta hoolka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa .

 

Bandhigan oo ay ujeedadiisa ugu weyni ahayd sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa dhaqanada hooseeya ee ay qabyaaladdu ka mid ka tahay ayaa waxay ka soo qayb-galay wasiirada ciyaaraha , gaashaandhiga , cadaaladda , taliyaha ciidanka asluubta iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda .

Waxaana halkaasi lagu soo bandhigay daraamo ku saabsan dhibaatada qabyaaladda iyo sida ay dadka isku nacsiiso , iyada oo madashadana ay kooxda fanaaniinta asluubtu ka soo bandhigtay heeso wacyi-gelin ah .

Taliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo hadal ka soo jeediyey munaasabadda ayaa waxa uu sheegay xukuumadda ay in ay u s o bandhigayaan in kooxda Samo-talis awood u leedahay wacyi-gelin buuxda ay bulshada u jeedin karaan , isaga oo xukuumaddana ka codsaday in ay qalab ku caawiyaan kooxda.

Wasiirka cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii xukuumadda ka socotay ee barnaamijka soo qayb-gashay ayaa sheegay in ay kooxdani Samo-talis ugu jirto meel muhiim ah bulshada isaga oo sheegay wasaaraddiisu door laxaad leh ka qaadatay asaaskii kooxdan .

 

Oodweynenews.com,Hargeysa Office

COMMENTS