Gudoomiyaha Dhalinyarada Qurba Jooga Ee Xisbiga UCID Xuseen Cabdi Dahir oo u Hambalyeeyey Xisbiga Ucid & Madaxdiisa Munaasibada Soo Bixitaanka Xisbiga
ASCWRWBMarka hore waxaan hambalyo iyo bogaadinba u dirayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland ,sida xilkasnimada iyo wadaninimada leh ee ay uguteen waajib qarameedkii ka saarnaa doorashooyinkii gollayaasha deegaanka iyo sida nabadgalyadu ku dheehantahay ee ay codkooda u dhiibteen, taasoo markale muujinaysa sida ay bulshadu ugu bislaatay dimuqraadiyada iyo hirgelinta himiladood.Waxaan sidoo kale uhambalyaynayaa Xisbiga UCID iyo guud ahaanba hawlwadeenadiisa dedaalka badan ugalay inuu xisbigu markale guuleysto ,anigoo hogaanka sare ee xisbiga Md Faysal Cali Waraabe Iyo Jamaal Cali Xuseenba ku ammaanaya sida masuuliyada iyo furfuraanta leh ee ay xisbigan ugu hagarbaxeen .iyo dadka reer somalilandbaHaddii aan usoo dego ujeedada qoraalkayga ,waxaan shaki kujirin in shucuubta reer Somaliland ay maanta isku raacsanyihiin in wixii wadanka ka dhacay aan lagu tilmaami karin doorasho ,balse uu ahaa boob iyo musuqmaasuq badheedh ah oo dhaawacday hannaanka geedi socodka Somaliland ,Waxaanan aaminsanahay haddii aysan shacabka reer somaliland ahayn dad indheergarad ah ay dhacdadan curyaamin lahayd islamarkaana dhantaali lahayd wadajirkooda iyo nabad galyada dalka .Balse faa´idada ugu wayn ee aynu maanta hayno ayaa ah inaynu baranay xaqiiqada dhabta ah ee xisbiga talada haya iyo hogaanka aynu ku aaminay hogaaminta dalkeena ,maanta waxaynu baranay oo aynu ogaanay massuuliyiinta dalka maamulaya waxay yihiin ,macangagnimada iyo xoog isticmaalida diktaytarnimada ah ee Siilaanyo iyo sida uu dhagaha uga furaystay shacabkii shalay doortay .Waxaynu ognahay markaynu taariikhda dib umilicsano in nimanka talada dalka haya iyo inta horboodaysaba inay yihiin kuwii curyaamiyay islamarkaana kala dhantaalay Ururkii SNM.Haddii uu aabihii Somaliland Marxuum maxamed xaaji Ibraahim Cigaal ku tuhmayay garaad iyo maskax xaqiiqdii hadhaagii Siilaanyo ee dalka qasayay Hubka kama aanu dhigeen.Waxaan shacabka Degmada Axmed Dhagax iyo reer borame iyo guud ahaanb ka tacsiyadeynayaa gumaadkii iyo xassuuqii lagula kacay ,annagoo ka xun in bulshada loo isticmaalo ciidaankeedii difaacii lahaa ,waana arin muujinaysa falalka ay wadaagaan Siyaad Barre iyo Siilaanyo ,Waxaanu ogsoonahay in Xisbiga Xaqsoor aanu ku hadhin caddaalad ee loogu talo galay inuu hadho ,Sidoo kale dhacdooyinka Gobolka Awdal iyo Salal markhaati waxaanu ka nahay in xukuumadu farogelin ku hayso dalkoo dhana iyadu qasayso ,Haddaba iyadoo la dhowrayo wallaaltinimada ,wadajir iyo wanaaga dadka reer somaliland ,waxaan ugu baaqayaa dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland inay nabad galyadooda iyo ammaanka qarankooda ilaashadaan ,isku duubni iyo wadajirna uga baxaan marxaladan adag mar danbena aysan u ilduufin hogaamiye dhiigood xalaashada ,markay codkooda siiyaana dhagaha ka furaysta siduu doonana ka yeela.Waxaa loo baahanyahay in lagu tusaale iyo talo qaato waxa dhacay lana doorto mustaqbalka hogaamiye aan loo eegin qoys iyo reer oo loo eego karti iyo daacadnimo ,shaqo u abuura dhalinta jaamacadaha ka baxay ee suuqyada tuban ,iskuna haya guud ahaan shacabka wallaalaha ah ee dalkan udhashay.Waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa tixdan gaabanMagacaa be doqoneeyGoortay murgacateeMataanaja la jebiyayMiyir yeelataayooInta hore war moogiyoWmid halowsan weeyaanMaamuus nimaan geyinWaataad masuuliyoMadax aad ka dhigateeMaxaad maanta dhaxasheen ?Manaxaano weeyeSow maatadeeniiMid gumaada may noqon ?Mid mid dhaama malaheeMusuqmaasuq iyo boobSow maanta may falin ?Magacii dalkeeniyoNabadii macaanaydMeel sow ugama dhicin ?Maalkii dadwaynahaSow maysan wada cunin?Mar ku dage Allaa dagiMar labaadse adigaaKa Masuula shacabyahoowWaxa maanta kugu dhacayWaa meel wax kuuyaalMid kaloo ku gowracaBari haw mashxaradineMiyir iyo hubsiimiyoMaskax ugu codee ruuxSamo idinku maamula
Sida iyo asw.
Ilaahay somaliland ha ino badbadiyo amiin. Inshallaah.
Hussein Abdi
Sweden

