“ Hadda Anigu Waxaan U Dhexeeyaa Xisbiyada , Somaliyana Waxa Taalla Hantideenii Waxaanan Leeyahay ……..” Axmed Yuusuf Yaasiin Waraysi Gaar Ah
Hargeysa (OWN)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in ay hant badani Somaliland kaga xidhantahay dalka Somaliya taasi oo lagu gaadhi karo wada lala sii wado xukuumadda ka jirta Somaliya.
“ Horta adduunku waa uu wada hadlaa , oo dawladuhu waa ay wada hadlaan Somaliyana way ka xag jirtaa oo wax baa naga dhexeeya , oo waxaa inagaga maqan hanti badan oo lagu heli karo wada hadal , hase ahatee waxa jirta , in la wad hadlaana ma xumo , waxaase isweydiintu tahay maxaa laga wad hadlayaa , gooni si taaga Somaliland waa mid ku timi rabitaanka shacab , waa tii hore loogu codeeyey “. Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin .
Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta waraysi gaar ah ku siiyey shabakadda Oodweynenews xarunta baarlamaanka Somaliland ayaa xusay in wadahal Somaliland iyo Somaliya dhex maraa ay ugu muhiimsantahay in lagu so qaato oo kaliye sidii looga wada xaajoon lahaa hantidii iyo waxyaabihii ka dhexeeyey labada shacab.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in uu wadalkan ka qabo rajo fududaysa dhanka xuduuda iyo fududaynta isku socodka waxaanu yidhi “ Marka uu isku biyo dhaco wada hadalkani waxaa dhici karta in aanu sida Yurub oo kale noqono, Yurub waxay leedahay hal Passport markaa dee waxaabo badan ayaa la iska kaashan karaa “.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ku baaqay in sharcigii uu sheegay in uu ka yaallay dadka Somaliland ka tirsan oo ahaa meelka ka dhaca qadiyadda Somaliland la soo celiyo “ Waxaan qabaa in haddii ay Somaliya ugu jiraan dad Somaliland ka so jeeda waxaan leeyahay kuwaasi la laga qaado hana la so celiyo sharcigii ahaa meel ka dhaca qadiyadda Somaliland “.
Waxa kale oo uu sheegay Axmed Yuusuf yaasin in ay su haatan u dhex utahay saddexda xisbi qaran madaama uu ka mid yahay golaha guurtida “ Maanta waxaan ahay nin u dhexeeya saddexda xisbi madaama aan ka mid ah xubin sharafeed ka tirsan golaha guurtida siyaasaddayda dambena Ilaahay baa og”.

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Oodweynenews.com,Hargeysa Office