|

Hanbalyo Ku Socota Weriye Maxamed Cawad Maxamed oo Jaaliya Kuwait Shahaadoo Sharaf Ku Maamuustay

Asalaamu calkum wa raxmatulaai wa baraakatuu salaam ka bacdi waxaan dhamaanba horta salaan qiime leh u diraaa bahda kala duwan ee shabakadani oodwene news meel kasta joogaanba anoo ku hanbalanaa dedaalkiiba iyo kartideena intaas ka bacdi waxaan halkani hanbalyo gaara uga dirayaa weriye Maxamed Cawad Maxamed oo dhawaan ay jaaliyada Somaliland ee Dalka Kuwait Gudoonsiisay shahaado sharaf ay ku maamusayeen hawlkarnimadiisa shaqo iyo waliba sida hufan ee uu u soo gudbiyo wararka iyo barnaamijyada horumarineed ee Gobolka Togdheer.

1-Runtii waxaan anigu sigaara ugu hanbalyaynaya in weriyahani yahay mid si dhexdhexaada oo sugan  u soo gudbiya wararka iyo barnaamijyada la xidhiidha Gobolka Togdheer iyo degaan kasta oo uu tago

.

2-ka dheeraanshaha arimaha qabyaalada ee dibka u riday in badan oo ka mid ahh warbaahinta iyo weriyayasha somaliyeed.

3-Ka Laaba la’aanta iyo ku dhiirashada sida kal soonida ah uu u soo gudbiyo dadka ku dhibataysan gobolkaasi kuwa xaqooda la duudsiyay  iyo inta aan awooda u lahayn inay warbaahinta ku gudbiso fariintooda.

Ugu danbayntii iyadoo aanan halkan ku soo koobikarayn waxyabaha weriyahani kaga duwanyaay weriyayasha kale ee geyigeena hadana waxaan leenahay  waad u qalantaa abaal marintaas ee ilahay ha kugu garabgalo dedaalkaaga iskuna day sidii aad uu sii laban laabi lahayd dedaalkaaga sxb.

Nadar Axmed Cali

New York USA

Nadir_01@hotmail.com

COMMENTS