|

Hargeysa: Sagootin Loo Sameeyey Dufcadii 4aad Ee Ka Qalin-jebisa Machadka Xallinta Khilaafaadka Iyo Nabadda Ee Jaamacadda Hargeysa + SAWIRO

 

Hargeysa (OWN)- Xaflad lagu sagootinayey dufcaddii 4aad ee ka qalinjebisay machadka xallinta khilaafaadka iyo nabadda ee Jaamacadda Hargeysa kana kooban 50 arday, ayaa caawa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda qalinjebisay, ayaa waxa ka soo qayb galay hogaanka jaamacadda Hargeysa, xildhibaanno, masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha waxbrashada iyo arrimaha gudaha iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Hormuudka machadka xallinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa Prof. Aadan Xaaji Cali oo xafladaa ka hadlay, ayaa sheegay in machadka la asaasay 2008, isaga oo tilmaamay inay jiraan jaamacado door weyn ka qaatay hirgalka machadka oo ay ka mid tahay mid ku taalla Kostariga, isla markaana waxa uu tilmaamay in machadku xidhiidh la leeyahay machad ku yaalla maraykanka.

Waxa uu sheegay in ardayda qalinjebisay ay ka mid ahaayeen arday ka kala timi dawladda, hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga iyo ganacsato.

“Machadkani waa ka keliya ee deegaankan ku yaalla. Waxa kale oo uu la gaar yahay habka wax loo dhigo, oo 60% ardayda ayaa waxbarashada hogaamisa oo iyaga ayaa wax soo bandhiga, macalinkuna wuu kabaa. Waxa kale oo u gaar ah, waxay ardaydu qaataan waxbarasho toos ah. Waxa kale oo u gaar ah waa machadka ay hablo wax ka dhigaan.” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.

Waxa uu sheegay inay ku tala jiraan in machadku bixin doono shaahadada Master-ta, isla markaana fursad la siin doono ardayda machadka dhammaysay ee doonaysa inay waxbrashadooda sii wataan.

 “Waxa sannadkan noo qorshaysan inaanu takhasusaad bixin doonno sida dibloomooyin 4 amma lix bilood ah.” Ayuu yidhi Aadan Xaaji, isaga oo ugu baaqay dawladda iyo hay’adaha caalamiga ahi inay ka qayb qaataan horumarinta machadka iyo tayaysiintiisa.

Guddoomiyaha Jaamcadda Hargeysa Dr. Cabdi Gaas oo isna xafladdaa ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ardayda qalin-jebisay, isaga oo xusay in machadkani yahay mid wax-soo-saarkiisu fiican yahay, islan markaana waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay in mahadku yeesho Master.

“Dhammaantiin waan idiin hambalyaynaa, waana aad nala shaqayn doontaan. Waxa aanu doonaa in aanu sida oo kale horumarino luqadda ingiriisiga.” ayuu yidhi Dr. Gaas.

 

Xoghayaha guud ee golaha guurtida Somaliland Cabdilaahi Xuseen Habbane oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay nabaddu horumar samaynayso, “Maxaa u sabab ah inay soo noqnoqdaan nabagelyo xumo, arrimahaas ayaa u baahan ina la baadho.” Ayuu yidhi Cabdilaahi.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la baadho sababaha ay dimuqraadiyaada iyo qabiilku isugu dhex dhafan yihiin, isaga ooo hoosta ka calaamadiyey in loo baahan yahay in dhaqanka la derso oo la kobciyo. “Wasaaradda arrimaha guhu aad ha uga faa’idaysato machadkan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Dheere.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in aqoontu shaqayso, isla markaana loo baahan yahay in fikir saliima la keeno si dalka loo badbaadiyo.

 

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye, ayaa isna halkaa ka sheegay inay wasaarad ahaan ardayda ku hanalyaynayaan aqoonta qiimaha leh ee ay barteen. “Aqoonta aad barateen waa mid qiimo badan, muddii ay Somaliland jirtay dhaqaalihii ina soo galay iyo khayraadkeena sidii loogu tala galay ugumaynaan faa’iydasan. Dhaqaalaheenaa badankiisu ku baxay sidii kolba khilaaf reer loo xallinayey. Dawladdu waxay u baahan tahay talo siin way dadaalaysaaye.” ayuu yidhi Khadar Axmed.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la baadho maxay 21 sanno Somaliland kolba wax xallinta looga soo bilaabayoxagga hoose? Isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in aqoontu shaqayso. “Waxa la idiinka baahan yahay inaad aqoontiisa bulshada uga faa’idaysaan.”Ayuu yidhi Khadar Axmed Diiriye.

 

Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Cabdilaahi Abbokor, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan xidhiidh toos ah iyo mid dadban-ba inay machadka la leeyihiin. “Waxa aanu doonaynaa aryda qalinjebinaysa iyo kuwii hore inaanu aqoontooda ka faa’idaysanno. Waxa aan jeclaan lahaa in aqoonta aad dhigateen inaad ku dartaan tii dhaqankeenna.”

“Waxa loo baahan yahay in qofka nabadda ka shaqaynayaa uu noqdo danlaawe macnaheedu mahaa ma shaqaynaysaan ee waxa aad ka shaqaynayaan ta guud iyo ta dadka. Waxa aanu doonaynaa inaad noqotaan baalashii ay wasaaradda arrimuhu ku duulaysay oo aad nabada nala shaqaysaan. Wax aanu ugu bushaaraynayaa jaamcadda Hargeysa dawladdu inay ka qayb qaadanayo kor u qaadista machadka.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Abbokor.

Waxa uu xusay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo kala qayb qaadanaysa hawlaha xallinta bobolada bariga, khilaafka dhulka, budhcadbadeedda, argagixisada, khilaafaadka beelaha dhexdooda iyo danbiyada dhalinyarada oo uu sheegay inay yihiin arrimo khatar ku ah Somaliland.

 

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Prof. Maxamed Cabdikariim Xirsi oo ka mid ah macallimiinta machadka, ayaa u soo jeediyey ardayda qalin jebisay inay waxbrashadooda waddanka uga faa’ideeyaan. “Waxaan ka mid ah ardaydii wax ka soo baratay dalka Costariga, waxa wax na loo soo baray inaanu waddanka waxtarno. Maaha dadka aqoonyahani inay jaamacada ah uun joogaan ee waa inb dadka looga faa’ideeyaa, qaranku keligii socon maayo ee waxa loo baahan yahay in jiilasha soo socda wax la baro.” ayuu yidhi Maxamed Cabdikariim.

Waxa uu sheegay inay macallimiin ahaan diyaar u yihiin inay bulshadooda uga faa’ideeyaan aqoontooda oo dadka wax barayaan.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Prof. Maxamuud Sheekh Cabdi oo ka mid ah macallimiinta machadka, ayaa ka dardaarnay ardayda qalinjebisay, “Waxa aynu isku dardaarnay khilaafka amma colaadka waxa debada u soo saaray wax jira ee waxa loo baahan yahay inay bakhtiinno oo weliba inta aanay dibadda u soo bixin inaynu bakhtiino..”Ayuu yidhi Maxamuud Sheekh.

Hormuudka kulliyada sharciga Maxamuud Faarax oo isna madasha ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxa la idiin tabaray inay xallin khilaafaad samaysaan. Marka laga hadlayo khilaafaadka waxa uu gelayaa khayraadka, danaha, qoyska iyo arrimo kale.”

waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Waxa la idin baray xirfad qaaliya oo aad isugu diyaarinaysaan inay xallin khilaafaad samaysaan. Waxa aad metelaysaan qaybaha kala duwan ee Somaliland waxa loo baahan yahay inay aqoontaa ka faa’idaysaan. Jaamacadda iyo mahacadkuba waxay idiinka fadhiyaan inaad wax cusub soo kordhisaan.”

Cabdiqaadir-maax oo ka mid ah ardayda qalinjebisay ahna qoraa iyo dhaqan-yaqaan oo halkaa ka hadlay, ayaa soo bandhigay xigmado ku saabsan himmilooyinka oo ay ka mid ahaayeen, maalintu waa iniin dadku waa beeralay, indhahaaga xiddigaha ku eeg cagahaagana dhulka ku hay, weligaa ha ka hadlin guul darro istaalmaal rajo iyo waan guulaysanaynaa, qaado waqtiga kuu qorshaysa laakiin marka uu waqtigu yimaado jooji fikirka oo ku dhaqaaq wax-qabad, ma awoodaa inaad gaadho hadafkaaga adiga oo aan cadaw samaysan, fikrad kasta oo wanaagsani waxay soo martay waqti qallafsan.

 

Agaasimaha telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Ilig oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay jiraan xidhiidh ka dhexeeya nabadda iyo khilaafaadka iyo warbaahinta, isaga oo tilmaamay inay warbaahintu u baahan tahay cid toos ah taxliilisa nooca khilaaf ee dhacay. “Waraabin ahaan baahi hadan ayaanu u qabnaa hawlaha uu machadkani qabto.” Ayuu yidhi Ilig.

 

Cabdiraxmaan Cali Xirsi oo ku hadlay afka ardayda qalinjebisay, ayaa si weyn ugu mahadceliyey maamulka iyo macalimiinta machadka xallinta khilaafaadka, isaga oo tilmaamay inay barteen aqoon wax tar leh. “Caawa waxa farxad ii ah inaanu wada qalin-jebinayno arday aan macallin u ahaan jiray.” ayuu yidhi Cabdiraxmnaan oo intaa raaciyey, “Haddii aaynu nahay ardayda qalin-jebisay waxa la inooga fadhiyaa inaynu aqoonteenna falgelino. Waddankeenna waxa ka dhacay doorasho khilaafaad culus abuurtay, waxa la inooga baahan yahay inaynu ka qayb qalno xallinta khilaafaadka.”

Waxa uu maamulka jaamacadda Hargaysa in la awoodeeyo machadla xallinta khilaafaadka, isla markaana la xoojiyo waxbarashadiisa.

Oodweynenews.com, Hargeysa Office

COMMENTS