dadnimadu marka ay tahay dadnimadii weligeedba la yaqaannay, waa dadnimo odhanaysa qof kasta waa in loo ammaan geliyo diintiisa, dhaqankiisa, dhulkiisa iyo dhaqaalihiisaba, ilaah baan idin ku dhaarshey e’, ma nimanka reer galbeed baa maanta ninnaba intaa u ammaan geliyey, hadda idin ma lihi dagaallama oo waxaanaan taas idiin ba odhanayn dee ma itaal baynu haynaa, mise tawfiiq baynu haynaa, midnaba ma hayno, keenna itaalka hayaana waa mid dadkiisa dhibay oo loo taag waayey, ugu dambayn na gaalada ayaa ilaahay ku sallidaa, bal u fiirso taariikhda islaamka hadba koox baa is kala boodda wax aanay burhaanba u haysan,markaasay islaamka ku sukuumaan wax aanay sakaaro ka biirsan, ku darsoo waxaabay ku doodaan inay iyagu yihiin cidda keli ah ee soo celin karta khilaafada islaamka, SUBXAAN WA QAADDIR.
waxa qoraalka sidan u dheer i geyeysiiyey wax kale ma aha e’ run baan gaadh is leeyahay, aragti ahaan haddii aan isku dayo inaan wax ka idhaahdo sida looga bixi karo waayahan daadduunka ah ee bulshada islaamka ragaadiyey, waa siday ila tahay e’ waxa aan ku bilaabi lahaa, in dadku diintiisa barto oo ay weliba u bartaan hab sunni ah bidco ma aha XAASHA’, in midnimo islaameed la helo, waxaynu og nahay in dagaalkii uxud ay saxaabadu ku jabeen iyada oo nebigu la joogo, bal se isma weydiinno wixii ay saxaabadu ku jabtay maalintaas uxud la isku arkay, xunayn baa isna la inna jebiyey, maxaynu isu weydiin la’ nahay wixii jabkaa sababay, tan maanta inna haystaana kama duwena wixii labadaas maalmood inna la kulmay.
maalintaas uxud, amar diiddo ay saxaabadu sameeyeen baa ilaahay u jebiyey, buurta ha ka soo degina ba nebigu ku amray 70-meeyo saxaabi bay ahaayeen baan u malaynayaa, markii kufaartii la baacsaday ee ay qaar yidhaahdeen waannu degaynaa na ninkii amiirka looga dhigay baa xasuusiyey inaanay ammarkii rasuulka CSW, jebinin waana la maqli waayay, wixii ka dhacay baana ka dhacay.
maka ay saxaabadu intaas ku jabtay weliba iyagoo gaalo la dagaalamaya oo gar leh oo islaam nadiif ah, ayuu ilaahay intaas ka yeeli waayay e’ innagu xaggaynu joognaa weligaa ma is weydiisay arrintaas, ammar diiddadeennu waa mid intee la eg, dee mooyi , kollayba jawaabteennaa sidaas isaga badan, ALLOOW SAHAL AMMUURAHA.
haweenkeenna iyo xal-u-radintiisii baa ilaa halkaa i geysey gebogebadii mawduucaygan waxaan ku soo goynayaa meeris ku jira gabayga MARWO.
wuxuu ahaa :
ma macaasho qoomkii haween, madax u dhiibtaaye
waa mid ka mid ah guul-darrooyinka aan laga soo waaqsanayn ilaa diinta lagu la noqdo, waxa loo qaxayo ee loo habqamayaa na wax kale ma aha, NAXARIISTA ILAAHAYNA FURAN .
Dhammaad.