Boqol iyo dhawr iyo siddeetan qof oo shaqaale ah oo ka shaqaynayey Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa Imtixaan qiimayn ah, isla markaana lagu kala reebayo u fadhiistay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee magaalada Hargeysa.
Shaqaalahan oo ay Hay’adda Shaqaalaha Dowladdu ay Imtixaanka ka qaadaysay ayaa ah qaar ka mid ah Shaqaalaha Ku Meel-gaadh ka Ah ee Wasaarada Maaliyada Ka Howl Galayey Mudooyinkii Danbe Shaqaalahan Ku Meel Gaadh ka ah ee Wasaarada Maaliyada Oo Tiradoodu Dhamayd 185 Qof ayaa Wasaarada Maaliyada Uga Howl Galayey Si Ku Meel Gaadh ah.
Gudoomiyaha Hay ada Shaqaalaha Dowlada Nuur Sh,Muuse Ducaale ayaa Warbaahinta Warbixin Ka Siiyey Hanaanka ay Shaqaalahan Uga Qaadeen Shaqaalahan Tiradan badan Waxaanu Sheegay Gudoomiyaha Hay ada Shaqaalaha Dowlada Nuur Sh,Muuse Ducaale in ay shaqaalaha Ku Sugan Magaalada Hargeysa iyo Galbeedkeeda Mar ay Ka Wada Qaada yaan.
Gobolada Kale Barigana ay Hal Mar Ka Wada Qaadi Doonaan Imtixaanka .Waxaanu intaasi Ku Daray Gudoomiyaha Hay ada Shaqaalaha Dowladu in ay Wada Shaqayn la leedahay Wasaarada Maaliyada Dhinaca Kale Waxaa iygu Dusha Kala Socday Sida Uu imtixaanku U Socday Masuuliyiinka Ka Tirsan Wasaarada Maaliyada.

Oodweynenews.com/Hargeysa