Hogaanka dhabta ah waa waddaniga dhabta ah sida ka muuqata XISBIGA WADDANI
Salaamu calaykum dhamaan shacabka somaliland iyo bahwayta waddani meel ay joogaanba HANBALYO qudbadii qiimaha lahayd ee gudoomiyeheena
Waxaan hubnaa in waddaniyiinta somaliland maanta u doorteen XISBIGA WADDANI in uu yahay hogaanka dhabta ah ee shanta iyo tobanka sano ee danbe hogaaminaya waddaniyiinta reer somaliland
Taas oo ay ku doorteen markay dhageysteen arkeen hogaanka XISBIGA WADDANI daacadnimadiisa wadan jecaylkiisa iyo in uu yahay hogaan dhab ah oo somaliland gaadhsiin kara horumar buuxa kana dhabaynkara himilooyinka ay reer somaliland ku naaloonayeen labaatankii sano ee ina dhaafay
taas oo ah ictiraaf ay la mid noqdaan aduunka iyo dawladaha jaarka ahba
Waxaan hubaa in hogaaminta dhabta ahi tahay hanaanka iyo horumarka ka muuqda XISBIGA WADDANI
DHamaaanteena waxa inagu waajib ah in aynu wax ka barano muxuu XISBIGA WADDANI horseed ugu noqday
hanaanka ,walaaltinimada iyo wada shaqaynta dhamaan reer somaliland u hayaan ?
Waa siyaasada hufan ee XISBIGA WADDANI ee aan ku salaysnayn Qofnacaybka , Qabiilnacaybka Degaan nacaybka iyo yooyootanka
DHamaan hogaanka iyo xubnaha XISBIGA WADDANI waxaan leeyahay guuul iyo gobanimo
Gudoomiye ku xigeenka qaarada yurub
ee XISBIGA WADDANI
Abdirahman A farah * Almaraaci*
